WAJAALE NEWS

Ujeedada Safar Madaxweyne Obama Ku Tagayo Ethiopia, iyo Kenya

Washington(Wajaalenews) Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in Madaxweyne Obama safar ku tagi doono Dalka Ethiopia, halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxda Ethiopia iyo kuwa midawga Africa ee xaruntoodu tahay Addis Ababa.

Bayaan uu soo saaray xoghayaha saxaafadda ee Madaxweynaha Maraykanka ayaa lagu sheegay in Obama markii u horaysay bookhanayo xarunta midawga Africa iyo dalka Ethiopia “Dabayaaqada bisha July, Madaxweyne Obama, waxa uu u socdaali doonaa dalka Ethiopia, halkaas oo uu kulamo laba geesood ah kula qaadan doono Madaxda dawladda Ethiopia iyo hogaanka midawga Africa. Bookhashadan waxa uu sidoo kale madaxweynuhu socdaal ku tagi doonaa dalka Kenya” ayaa lagu yidhi bayaanka Jimcihii ka soo baxay Maraykanka.

Ujeedada bookhashada Maraykanka ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo xidhiidhka Maraykanka iyo saaxiibadiisa Africa “Socdaalka Madaxweyne Obama, waa mid lagu dhisayo guushii shirweynihii Maraykanka iyo madaxda Africa ee August 2014 ka qabsoomay Maraykanka. Waxaanu xoojinayaa isku xidhnaanta Maraykanka iyo saaxiibadayada Africa, iyadoo muujinaysa xidhiidhka wakhtiga dheer iyo ka go’naanshaha Maraykanka ee inuu maalgashado Africa,” ayaa lagu sheegay Warka Maraykanka.

Qoraalka lagu shaaciyay bookhashada Obama ayaa intaasi ku daray “Tani waxay noqonaysaa bookhashadii ugu horaysay ee Madaxweynaha ku fadhiya Kursiga Maraykanku ku tago Ethiopia iyo xarunta Midawga Africa, waxaanay hoosta ka xariiqaysaa dadaalkayaga ah inaanu la shaqayno wadamada iyo muwaadiniinta dalalka Saxaraha ka hooseeya, si aanu u dardar galino kobaca dhaqaalaha, xoojinta hay’addaha dimuqraadiyadda iyo horumarinta Amaanka”

Maraykanka ayaa bishii Augost 2014 badiba madaxda Africa shirweyne kula qaatay xarunta Maraykanka looga arrimiyo, waxaana muuqata danaynta Maraykanka ee xidhiidh dhaw oo uu la yeeshay Africa, maadaama Wadanka China xidhiidh dhaw la leeyahay Africa wadamo badan oo ka mid ah.

 

Exit mobile version