WAJAALE NEWS

Sooraan iyo Jawaan Oo Markii U Horaysay Jawaab Ka Bixiyay Riwaayad Ay Saxaafadda Madaxa bannaan Ku Aflagaadeeyeen,

Hargeysa(Wajaalenews)Majaajilaysteyaasha Sooraan iyo kabtan Jawaan, ayaa markii u horaysay  sheegay inay raali galin ka bixinayaan Riwaayad ay si cad ugu aflagaadeeyeen saxaafadda madaxabanaan islamarkaana kaga sheegeen waxyaabo aan ka suuroobin Saxaafadda.

Riwaayad ay dhawaan ku soo bandhigeen madal ay fadhiyeen Madaxweynaha Somaliland iyo haldoorka Xukumadda oo xadhiga lagaga jarayay qalabka sifaynaya shidaalka ee haamaha Berbera ayay ku meteleyeen jaraa’iddo warar been abuur ah bulshada u baahinaya.

Hadaba Jawaan oo wargeyska Saxansaxo u waramay isagoo Burco ku sugan ayaa arrintaasi ka hadlay su’aalaha la waydiiyay iyo jawaabaha uu ka bixiyayna waxay u dhaceen sidan:-

Kabtan Jawaan waxa jira Eedeymo laydiinku jeediyey adiga iyo saaxiibka Sooraan Riwaayadiii aad ku soo bandhigteen Magaaladda Berbera taasi oo Warbaahinta ka cadheysiisay sided arinta u aragtaa ?

Ja. ‘Walaale arinta waxaan kaga jawaabaynaa anagu maadama oo aanu Saxaafaddii ka mid nahay oo ka mid nahay kuwa dadka wax u sheega, hadii hadalkii aanu nidhi uu warbaahintii meel kaga dhacay ama ay ka cadhoodeen aad iyo aad ayaanu uga raaligelinaynaa oo Xaal ayaanu siinaynaa”

Su’ Xidhiidhkiina Warbaahintu hore wuu u wanaagsanaa oo iyaga ayaa qeyb ka ahaa in aad Caan noqotaan adiga iyo Sooraan marka imika xaalka idinka iyo warbaahintu sidii noqon doonaa ?

Ja “Marka waxaan jeclahay in aanu Ishaalaha anaga iyo Warbaahinta waxba naga xumaaneyn waxana jira dad had iyo jeeraale dadka kala dhexgala balse wax kasta oo dhaca waa laga heshiiyaa , anaguna cid kasta oo arintayada qalad u qaadatay Sxb aad iyo aad ayaan uga raaligelinayaa”

Su. Waxa laydinku eedeeyey inay Sooraan iyo Jawaab lacag ku qaataan si ay dadka u caayaan arinta maxa ka jara Kabtan Jawaan ?

Ja. “Walaahi walaaloow anigu Sooraan waxaanu nahay intaasi aad na aragtaanba labada nin ee aan wali dawladda Mushahaarba ka qaadan oo dawladda kuma tiirsanin ee waxaanu u shaqeyn jiray Tefeeshin madaxbanaan (HC-TV) kaasi ayaanu waxka qaad qaadan jiray ee waligayo Mushahar dawladeed maanaan qaadan oo mana naqaano ee Walaahi anaga Burco ayaanu iska joognaa, dadka badankoodu waxa laga yaaba inay sidaasi u fikirayaan laakiin waxa anagu waxaanu nahay lababa nin oo dawladda iyo shacabka iyagu dhanka Shacabka u badan, dadkuna waa bani’aadan oo hadii qof wax si u arko mid kalena si kale ayuu wax u arkayaa qaladkuna waa iska dhacaaye hadii anagu sidii aanu u jeednay si ka duwan hadii ay warbaahintu u qaadatay waanu ka raaligelinaynaa arintaasi”

Su. Arintani waxay ku soo beegmeysaa idinka oo hore Riwaayad warbaahinta ku saabsan oo aad ku dhaliilaysaan ka sameeyey marka ma balanqaadeysaan inaydaan wax dambe oo Saxaafadda ka dhan ah sameyn doonin ?

“Sxb horta dee qof wax hore kaatabanaaya wax kale ugu darimeysid marka aniga iyo Sooraan warbaahinta ayaanu ka mid nahay sidii aan hore kugu sheegay kolka Xaalna waa siinayna arinta ay ka cadhoodeen anaguna mabanin dad hawlo warbaahinta ka dhan ah ku deg dega xata waligayo wabaahin uma jawaabin oo waa markii ugu horeysay ee aan warbaahin anaga wax na dhex maraan marka 100% Obolojaas ayaanu siinayna oo waxaasi la dhibsaday sida loo qaatay ma aheyne waanu ka raaligelinaynaa saaxibadayada warbaahinta ee aanu ka midka nahay”

 

Exit mobile version