WAJAALE NEWS

Shaxda Rasmiga Ah Ee kooxaha Juventus Iyo Barcelona Finalka Caawa Iyo Taarikhda Kooxaha Ku Gulaystay Champions Leage.

Hargiesa,(wajaalenews)Kooxaha Barcelona iyo Juventus ayaa isaga hor imaanaya markii ugu horeysay Finalka Champions league xili koox waliba ay dooneyso in seddex koob ay gacanta ku dhigto maadaama min labo koob ay horay ugu soo guuleysteen.

Kulanka: Juventus ? – ? Barcelona

Garoonka: Olympiastadion Berlin, Berlin

Garsooraha: Turkey’s Cuneyt

Saacada:9:45 habeenimo

Maalinta:Sabti

Taariikhda: June 6, 2015

Juve ayuu dhabarjab weyn ku dhacay maadaama uu ka dhaawacmay daafacooda muhiimka ahaa ee Giorgio Chiellini waxaana  badalkiisa galaya Leonardo Bonucci oo isagana taam ahaansho 100% qabin maadaama uu dhaawac ka soo laabtay.

Barcelona ayaa saf caafimaad qaba heysata xitaa Iniesta waa uu safankaraa oo liiska lagu soo daray ,sidoo kalana MSN oo dhaliyay 120 gool xagaagan ayaa la rajeynayaa iney si wada jir u saftaan.

Xaqiiqooyinka ciyaarta.

Kani waa Finalkii ugu horeeyay taariikhda Champoons league ee la ciyaaro bisha June.

Juventus iyo Barcelona ayaa ciyaaraya finalka tartanka European Cup ama Champions League markii 8 aad taariiqda.

Kooxahan Barcelona iyo Juve ayaa sidoo kale ka soo muuqanaya Finalka Champions league markoodii shanaad waxaana ay la sinteen Bayern Munich oo iyadana shan jeer ciyaartay finalka kaliya AC Milan ayaa ka badan oo ciyaartay finalka Champions league lix jeer.Sayidil cajuus ama Juventus ayaa laga qaadayay koobka seddexdii final ee ugu dambeeyay Champions league kadib markii 1995/96 ay rigoorayaal ugu qaadeen koobka Ajax.

Barcelona ayaa ku wada guuleysatay Seddexdii final ee ugu dambeeyay Champions league ay ciyaartay,Finalkii ugu dambeeyay ee laga qaaday waxaa uu ahaa 1993/94 markaas oo AC Milan ay ugu qaaday koobka goolal badan oo ah 4-0.

Kani waxaa uu noqonayaa Finalkii 7 aad ee European Cup ama Champions League ee ay isaga horyimaadaan kooxaha Spain iyo Italy,waxaadna ogataa kaliya labo jeer oo qura iney badiyeen kooxaha Italy.

Ilaa iyo hada Barcelona ayaa badisay kaliya labo jeer siddeed jeer oo ay kaga hortimid  tartamada Yurub kooxda Juve,labo bar baro afarna waa laga badiyay.

Markii ugu dambeysay oo ay kooxahan kulmaan waxaa  uu ahaa sanadkii 2003 markaas oo Juventus wareega Siddeeda ay ku reebtay Barcelona,3-2 ayeyna ku soo baxday iyadoo Marcelo Zalayeta uu dhaliyay goolkii muhiimka ahaa wakhtigii dheeriga ciyaarta kadib markii labada kulan ay ku dhamaadeen min 1-1,wallow finalkaas Juventus Old Trafford looga qaaday koobka oo AC Milan ay ku guuleysatay.

Juventus ayaa guuldaro la’aan ah labo jeer oo Barcelona ay kaga hortimid Champions league,hal waa ay badisay kan kalana bar baro.

Seddex kamid ah afartii gool ee ugu dambeeyay juve ay ka dhalisay Champions league ayaa imaanayay daqiiqadii 57 aad.

Xagaagan Barcelona ayaa loo diiwaangeliyay kubad heysashadoodii ugu yareyd Champions league oo ah 60.95% taas oo aysan hore u sameyn tan iyo 2003/04.

Juve ayaa iyadana sameysay sanadkan kubad heysashadoodii ugu badneyd oo ah  56.19%) waana iyo 2003/04.

Barcelona ayaa ah kooxda sanadkan Champions league ka dhalisay goolasha ugu badan 15-ka daqiiqo ugu dambeysa ciyaarta waana 8 gool inta ay dhalisay.

Laakiin Juventus ayaa wali  dhalin gool xiligaas oo kale sanadkan Champions league.

 

Barcelona ayaa ciyaareysa finalka Champions league markeedii afaraad tan iyo sanadkii 2006-dii taas oo ka badan kooxaha kale.Barce ayaa sameysay xagaagan baaskii ugu sareeyay Champions league kaas oo ah 88,31%) waana wax aysan sameysan tan iyo 2007/2008.

Juve ayaa gool u badashay xagaagan kubadaha ugu badan ee koornaha ka yimaada halka Barcelona aysan wali gool ku dhalin kubadaha koornaha xagaagan.

Barcelona ayaa dhameystirtay cel celiska ugu badan gambis kulankiiba xagaagan Champions league waana 18.7  taas oo ka badan kooxaha kale oo ay ku jirto Juve.

Alvaro Morata ayaa ah ninka Spain  ee ugu goolasha badan Champions league xagaagan waxaana uu dhaliyay afar gool lixdii kulan ugu dambeeyay.

Neymar ayaa noqday xiddigii seddexaad Barcelona ee sagaal gool iyo wax ka badan ka dhaliya Champions league sanad gudihiisa kadib Rivaldo  oo sidaas sameeyay 1999 -2000 iyo Messi oo sameeyay xili ciyaareedyadii (2008-09, 2010-11, 2011-12 iyo sanadkan 2014-15).

Waa markii ugu horeysay taariikhda Champions league  labo xiddig oo hal koox ka wada tirsan in xili ciyaareed gudihiisa Champions league ay ka wada dhaliyaan 9 gool,waana Messi iyo Neymar oo  Barcelona ka tirsan.

Xavi ayaa noqon kara xiddiga ugu safashada badan taariikhda Champions league isagoo haatan saftay 150 kulan waxaana uu ka sara marayaa Iker Casillas.

Lionel Messi ayaa kulug lahaa 99 gool oo laga dhaliyay Champions league,77 gool isagaa dhaliyay,22 waa uu caawiyay waxaana uu ciyaaray 98 kulan.

Hadii Messi uu gool dhaliyo kulankan waxaa uu noqonayaa xiddiga taariikhda Champions league ugu goolasha badan waxaana haatan min 77 gool ay wada leeyihiin Cristiano Ronaldo.

Lionel Messi ayaa dhalinayay gool labadii Final Champions league uu ciyaaray ee 2009 iyo 2011,labada jeerna waxaa uu dhalinayay goolashaas qeybta labaad ee ciyaarta.

Gianluigi Buffon ayaan hore marnaba kaga hor imaan Lionel Messi ciyaar caalami ah.

Patrice Evra  ayaa noqon kara hadii uu safto kulankan ciyaaryahankii labaad ee Finalka Champions league ugu ciyaara seddex koox oo kala duwan isagoo ka tirsan,waxaana ay kooxahaas kala yihiin Monaco, Manchester United iyo Juventus,horay waxaa rikoorkan kali ku ahaa oo heystay Clarence Seedorf oo final u ciyaaray kooxahan (Milan, Ajax  iyo Real Madrid).Gianluigi Buffon, Andrea Pirlo iyo Andrea Barzagli  ayaa hore garoonka caawa lagu ciyaarayo ee Olympiastadion kuna yaala Berlin ugu qaaday koobkii Adduunka 2016 ee France ay kaga guuleysteen iyagoo Italy ah wallow uusan Andrea Barzagli finalka ciyaarin.

Kaliya Cristiano Ronaldo ayaa ka sameeyay sanadkan Champions league shuudadka ugu badan waana 71 halka Messi uu 53 sameeyay oo 25 bartilmaameed ay tahay.

Ma jiraan goolhayayaal shabaqooda nadiif ka dhigtay xagaagan Champions league oo aan ka aheyn Marc-André ter Stegen iyo Gianluigi Buffon oo min lix kulan shabaqooda gool ka ilaashtay.

Dani Alves  ayaa xagaagan Champions league la siiyay jaalaha ugu badan waana lix jeer taas oo ka badan xiddig waliba.

Massimiliano Allegri ayaa badiyay kaliya hal jeer siddeed jeer uu Champions league kaga horyimid Barcelona,seddex bar baro,afarna waa laga badiyay.

Luis Enrique ayaa Juventus ka horyimid seddex jeer tartanada oo dhan isagoo tababare ah,waxaa laga badiyay hal mid kalana bar baro waana horyaalka Serie A,sidoo kale waxaa looga badiyay koobkii national cup wareegiisa siddeeda.

Allegri ayaa noqonaya tababarihii shanaad Italy u dhashay ee gaara finalka Champions league kadib Fabio Capello, Marcello Lippi, Carlo Ancelotti iyo Roberto Di Matteo.

Luis Enrique ayaa noqonaya  macalinkii afaraad ee Spain oo gaadha finalka Champions league kadib Vicente Del Bosque, Rafa Benitez iyo Pep Guardiola).

Waa markii ugu horeysay  Berlin lagu qabto Finalka European Cup ama Champions League laakiin waa markii shanaad ee garoon Germany ku yaala lagu qabto finalka koobka Yurub ,hore waxaa loogu martigeliyay garoomada Neckarstadion in Stuttgart, the Olympiastadion, Allianz Arena in Munich iyo the Arena AufSchalke in Gelsenkirchen.

Barcelona ayaa lumisay seddex final oo tartankan ah waxaana ay ku guuleysatay afar 7 jeer ay hore u ciyaartay finalka iyadoo koobkoodii ugu horeeyay ay ka qaadeen 1992-kooxda Italy ee Sampdoria waxaana bilifisiyoon  uga dhaliyay Wembley Ronald Koeman.Majiraan weeraryahano iska garab ciyaara Abid oo dhaliyay goolasha ay dhaliyeen MSN xagaagan iskaba dhaaf iney soo mareen Barcelona iyo kooxaha kale waana 120 gool waxa ay dhaliyeen.

Hadii Barcelona ay ku guuleysato Champions league waxaa ay noqon doonaan kooxdii ugu horeysay qaarada Yurub oo labo jeer hal xili ciyaareed seddex koob ku guuleysata,horay Barce waxaa ay rikoodhkan u sameysay 2008/09 season oo seddex koob ay qaaday.

Messi ayaa 20 gool ka soo dhaliyay finaladii uu u ciyaaray.

Messi ayaa 18 Final u ciyaaray Barcelona waxaana uu la qaaday 15 final oo kamid ah,seddex ayuuna lumiyay.

13 Final ayuu Messi ka dhaliyay gool waxaana kuwii ugu caansanaa kamid ah labadii final Champions league ee Man United uu Roma iyo Wembly gool kaga dhaliyay iyo koobka kooxaha Adduunka.

Safafka macquulka ah ee kooxahan.

Likely Line-up: Buffon; Lichtsteiner, Barzagli, Bonucci, Evra; Marchisio, Pirlo, Pogba; Vidal; Morata, Tevez

Likely Line-up: Ter Stegen; Alves, Pique, Mascherano, Alba; Busquets; Rakitic, Iniesta; Messi, Suarez, Neymar

 

Diyaariye/ hamze jirde axmed

Exit mobile version