WAJAALE NEWS

Qisadii Kunka Diinaar iyo damaaciga..!

Qisadan kooban waxaynu ku eegi doonaa nin damacu la galay xoolo nin kale leeyahay oo isu waalay dharkana u jeexjeexay sidii uu ku hel

Mar kasta oo aad dhugato baalasha iyo bogga taariikhda dunida, mar kasta oo aad dabciga dadyawgii dunida soo maray dib ug fiirsto waxaad helaysaa qisooyin Cajab badan oo aan damaaciga ka madhnayn.

Qisadan kooban waxaynu ku eegi doonaa nin damacu la galay xoolo nin kale leeyahay oo isu waalay dharkana u jeexjeexay sidii uu ku heli lahaa maalka ninkaas. Soomalida ayaa ku maahmaada ” hebal waa xool cir doon” intuu kuwii dhulka dhaafay ayuu cirka damacu la koray, waxaan filayaa inay tahay sifayntii ama tilmaamidii ugu saraysay ee damaaciga lagu astayn lahaa, inta uu xoolihii dhulka oo dhan dhaafay ayuu doonay wixii cirka sare yaalay, alla ninku damaacisanaa, waxaan ku

rajo weynahay in aanay jirin luuqad kale oo damaaciga sidaa u sifaysay in aanay jirin, waa arin u baahan daraasad qoto dheer in lagu sameeyo luuqada soomaliga iyo sifaynaha ay leedahay.

Qisadan waxa soo saaray Imam Al-Cajluuniyi kitaabkiisa “Al-fawaa’id Aldarariya” waxa sidoo kale kitaabkiisa ” Taariikhda Imam Al-bukhari” ku soo saaray Sheekh C/Salaam Al-mubarikfuuriyi.  Qisadu waxay ku bilaabmaysaa sida tan:

” Maalin ka mid ah Maalmihii uu Imam Al-bukhari ku jiray socdaalkiisii cilmi doonka ahaa ayuu fuulay Dooni, Imamka waxa socdaalka badda ah ku wehelinaya dad badan oo doonta la saaran, dadkaas waxa ka mid ahaa nin damaaci ah oo waliba xeel yaqaan ah, waxay doontu soctaba dadkiina midba mel ku dhaco ayaa waxa Imam Al-bukhaari u soo dhawaaday walaaltinimo iyo kalgacal badan u muujiyay nin ka mid ah dadkii doonta saarnaa, Imamkuna kama fogaan ee wuu soo dhaweeyay oo jecelaaday, kana dhigtay rafiiqiisii doonta.

Imam Al-bukhaari oo lagu yaqaanay inuu ahaa Fiqiga Xadiiska ee Ummadda Muslimiinta ah sida uu tilmaamayo Naciim binu Xamaad oo aad wada garanaysaan, imaamka ayaa soo dhawayntii u raaciyay inuu haysto “KUN DIINAAR” oo ay ugu jirto kiishadaas yar. ha tusin lahaydaa, Ninkii lacagtii ayuu damaaciyay lakiinse waxuu damacay inuu xeelad ku qaato, Intaas markii lays dhaafsaday halkii loo socdayna aanay fogaynba ayaa gabalkii dhacay oo dadkii doonta saarnaa hurdo galeen si daalkii maalinka looga nasto.

Habeenkaas dadku seexday nin baanay hurdo u ahayn lakiin ay u tahay fikir iyo soo jeed, waa ninkii damaca waalaanaye, markii waaga barigiisa lagu dhawaaday ayuu ninkii Imamka la saaxiibay uu bilaabay qaylo, oohin iyo inuu dharka isku dul jeexjeexo oo muraaro dilaac la murugoodo. Dadkii doonta saarnaa ayaa la yaabay waxa weyn ee helay ninkan, waxa xalay la soo darsay ayaa la waydiiyay? maxaa ku helay ee aad la murugaysan tahay ayaa lagula boobay? dadku waa yaaban yahay waxa ku dhacay ninkii nabad qabka ku seexday…! waxuu yidhi waxa i helay baa i helay? waxaan ahay nin safar ah oo sahayduu sitay la dhacay, waxaan sitay “KUN DIINAAR” oo bushqad yar iigu jirtay mana hayo ee ii raadiya….! mar kaliya ayaa lays wada eegay oo lawada amakaagay, waa lawada yaaban yahay cida lacagtan qaadatay. Imamkuna waa yaaban yahay oo waatan kunkiisii loo soo dhigtay, damaacigu ileen waa kan oo kale. wakhtigaas Kun diinaar waxay ahayd sahay aad u badan oo aan laga samri karin si fudud, nin socta ahna hadalkiisa daaba.

bal waxaad xusuustaa Qisadii Maxamed Nuur Fadal AHN iyo ninkii damacoodu siiyay inay dilaan ninkii sooryada wacan u siiyay, waa kii lahaa abwaan Fadal;

– Nimankaan lo’daydii casayd laanta ugu duugey

– Nimankaan dukaamada lukiyan laba labaw siiyey

– Wax la liqiyo xoolaba kuwaan uga laxaad yeelay….

Mar kale waa kii lahaa;

-Wax Laasima nin liitiyo haween laaxinkood badaye

– Libgad iyo abaalxumona waa ‘law’ u gooniyahe

-Afar, labo, lix goor buu sidaa iiga loogsadaye.

Waa gabay ku soo dhaca mar kasta xusuusta oo aad maqasho abaal cid loo galay oo aan sideedii u gudin, sida ninka oo kale ayay soo dhawantii loo sameeyay ugu badaleen mur iyo deebaaq.

Falanqayn gaaban ka dib Dadkii waxay go’aansadeen in qof qof doonta loo baadho oo qof kasta halkiisa loogu tago, si wixii jira badka loo keeno. waxa la bilaabay in mid mid loo tiriyo. Imam Al-bukhaari oo og lacagtiisa kiishka ugu jirta ayaa badda raaciyay Kunkiisii Diinaar si uu uga fogaado tuhumo iyo in loo garnaqo damaacigan. sidii loo tirinayay ayaa la soo gaadhay Imamkii waxbana lagma helin imaamka iyo dhamaan dadkii doonta saarnaa.  dadkii doontu intay ninkii ku noqdeen ayay nacdal dusha uga tuureen oo handadeen.

Markii doontu bariga timi oo dadkii ay doonta ka dageen ayuu ninkii Imam Al-bukhaari u tagay oo ku yidhi ” xagee ayaad gaysay Kunkii Diinaar” waxuu u sheegay inuu badda raaciyay.

Yaa..yaa.. Badda ayaan raaciyayaa, isagoo ninkii qaylinaya ayuu yidhi ” oo sidee ayaad uga samirtay waxaas oo maal ah? Markuu maalku miqyaas kuu noqdo waa sidan oo kale. Imaamku waxuu ku yidhi ” Jaahilyahoow miyaanad ogayn in aan noloshayda oo dhan aan ku bixiyay ururrinta axaadiistii Nabigeena suuban NNKHA oo ay dunidu baratay Cadaaladdayda iyo run sheegayga, sidee bay iiga suurowdaa in aan naftay u bandhigo tuhmo lacageed, miyaanay kunka Diinaar iiga qiimo liidan in tuhmo lay qabsado, haa way iiga qiimo liidataa, sidaas ayaan badda u raaciyay kunkaas Diinaar. Sidaas ayuu ninkaasi taariikhda ku waayay inuu noqdo nin bukhaari lacag kaga murmay oo loo garqaaday.

Waa qiso ku tusinaysa xaalaal miiradkii iyo ka fogaanshii tuhumada ee Imaam Al-bukhaari,  sidoo kale waa qiso ku tusinaysa damac xumidu inay gaadhsiin karto qofka meel halis ah, waa qiso la bah noqon karta qisadii beerta ee ku jirtay Suurtul Kaaf ee laba nin ku saabsanayd, ee mid ka mid ah damacu qaaday kuna baanay ragg iyo maal inuu dheer yahay ka kale, waa qiso ku soo aroortay quraanka oo cibro badani ku jirto.

Ramadaan Kariim

W/Q: Abdiqani  Mohamed Egeh

 

http://abdiqaniege.blogspot.com/2015/06/qisadii-kunka-diinaar-iyo-damaaciga.html?m=1

Tixraac:

Qisadan waxa aad ugu noqotaa

Kitaabka “Taariikhda Imam Al-bukhari ” ee uu qoray Sheekh C/Salaam Al mubarikfuuriyi saxfadaha 122 iyo 123. waa mid ka mid ah gata ugu qiimaha badan ee laga qoray Imaam Al-bukhaari

Al-Cajluuniyi kitaabkiisa “Alfawaa’id Aldarariya”

 

Exit mobile version