Caqli Xumada maxaad qabyaalad ugu sheegtaan; ujeedadu waa Representation (in Cidi ku metasho); markii representationkii aad qabiilaysay, ee aad qabyaaladda lafteedii sii qabyaaladaysay ayaad doonaysaa haddana in aad iyadii eedayso!! ma aha waxani wax inoo gaar ah, ama mashkilad innaga uun ina haysata. Ummad kasta waxay u qaybsan tahay si uun : midab, diin, qawmiyad, qabiil; taasna waxa lagaga baxaa caqli iyo run; ma aha been iyo anigaa kaa mudan!!
Teeda kale, marka representation kii ba la isla fahmi waayo ama la isla dhaafi waayo, saw ma ogid in aan ujeedaddii laga lahaa representation ka oo ah in dalka iyo dadka la horumariyo aan la gaadhayn; maxaa yeelay means kii (agabkii) ayaad isku haysataan oo aad ku dawakhdeen, ee sidee baad end kii (hadafkii) kii u gaadhi kartaan!!
Waliba dawakhaaddaas waxa ka ganacsada oo ka faa’iida intii hoggaanka inoo ahayd oo iyagu raba in aan laga bixin wareerkaas; maxaa yeelay waa nacasyo iimaan la’a oo bilaa kartiya, oo ka ganacsada cidda ay yihiin, sida dumarka xun xun ee jidhkooda ka ganacsada; sidaa darteed waxay faafiyaan qabyaaladda iyo qiyamkeeda, taasoo, nasiib darro ay maanta ku beereen da’ yartii.
Teeda kale, sida la isu matalayo (representation), dastuurka ayaa inoo sheegay, oo waa degmo/gobol, ma aha qabiil; maxaynu u raaci waynay Dastuurkeena?; anigu waxan qabaa in aynu raacno sidaa Dastuurkeenu inoo jideeyay; Dastuurka Somaliland si rasmiya uma aqoonsana qabiilka siyaasiga ah, bal si cad buu dastuurku u sheegayaa in aan la ogolayn in xisbiyada lagu dhiso qabiil!!
Haddaba, qabiilka iyo tolnimadu waa arrin dhaqan, ee ma aha in uu noqdo arrin siyaasadeed; haddii ay dhacdo in qabiilku soo galo siyaasadda waa in la waabiyaa, had iyo jeerna aan loo ogolaan in uu si qaawan garoonka u soo galo, oo uu door ciyaaro iyadoo la wada daawanayo sida immika dhacda; ma aha rasmi ama dastuuri, laakiin waa dhaqan aynu leenahay oo loo baahan yahay in aynu ka xakamayno siyaasadda iyo maamulka dawladnimada!!
Dhinaca kale, waa in aynu ka garawsanaa in waxani yahay caqli xumo oo aan lagu sheegin qabyaalad, waana in degdeg looga baxaa in uu qofku ka baayacmushtareeyo qabiilkiisa, cidda uu yahay iyo cidda aanu ahayn; maxaa yeelay halkii loo socday oo ah dawladnimo dadka waxtar u leh la gaadhi maayo haddii aynu ku dawakho ammuurahan, iyadoo aynu ognahay in tiro ahaan Somaliland oo dhami le’eg tahay jilib yar oo Oramo ah, maxaa inoo soo arkay kala qaybin iyo qoqob!!; waxa intaa inoo sii dheer innagoo qayrkeen ka hadhnay, maxaa inooga baahi badan midnimo.
Ugu danbayntii, shaki kuma jiro in uu saamayn dadban ku yeelanayo siyaasadda, laakiin waa in loo diidaa in uu yeesho saamayn toos ah oo qaawan; waa in lagu dhabannaaniyaa xisbinimada iyo gobolnimada; haddiise uu isagu rogto labada ba sida maanta dhacday, anigu waan inoo baqanayaa halka aynu ku danbayn!!; sidaa darteed waxaynu u baahanahay hoggaan fiican oo lugta qabta qabyaaladda illaa inta xisbinimada iyo gobolnimadu ka sare marayso, sharciguna sarraynayo, dadkuna ilbaxayaan oo ay waxbaranayaan, dhaqaalahooduna fiicnaanayo!!.
QALINKII; Prof cabdi cali jaamac; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga