WAJAALE NEWS

Maxaa laga filayaa fadhi Aan Caadiga Ahay Ee Mudanayaasha Labada Gole Bari Iyo Ansixinta Gudoomiyaha Maxkamada Sare?

Mudanayaasha Labadda Gole Oo Fadhi Aan Caadi Ahayn Layskugu Yeedhay Maalinta Berri,

Hargaysa: (Wajaalenews)-Mudanayaasha labadda gole ee Wakiilada iyo Guurtidad,ayaa maalinta berri oo khamiis oo Arbaca ah layskugu yeedhay fadhi deg deg ah,oo aan caadi ahayn si loo ansixiyob Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo warbaahinta loogu talo-galay Musdanayaasha ayaa lagu booriyay inay wakhtiga dhawraan,isla markaana fadhigaas kasoo xaadiraan

“Waxa lagu war-gelinayaa Dhammaan Xildhibaanadda Labadda Golle (Guurtidda iyo Wakiiladda JSL) in Maalinta Birito ah ee ay Taariikhdu tahay 3/06/2015ka, Saacadu Markay tahay 9:30Subaxnimo ay Xarunta Golaha Guurtidda ku yeelan doonaan Fadhi wadda-jir ah, kaasi oo lagu ansixin doono Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Sidaas awgeed, Mudanayaasha waxa lagu war-gelinaya in ay fadhigaasi ka soo qayb-gallaan”.

Si kastaba ha ahaa tee kulankan bari ayaa ah mid golaha uu madaxwayne siilaanyo kaga dalbanayo Ansixinta gudoomiyaha maxkmada sare Aadan Xaaji Cali kaasi oo la filayo ay dood adagi ka taagan tahay  in uu buuxin karo jagadan maadaama aanu ka mid Hayn bahda Garsoorka kuna soo shaqayn marka laga reebo in uu ahaa bare jaamacadeed oo xaga sharciga ah

waxaana la sugaaba waa fadhi bari iyo dooda labada gole oon looga baran in ay si saxa dalka ugu adeegaan doonista madaxwayne siilaanyona dhaafsada danahooda shaqsiyadeed iyagoo lumiyay donista bulshadii soo dooratay,

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version