WAJAALE NEWS

Marwada madaxweynuhu ma xoghayn gaar ah bay leedahay?! Oo xafiis na tolow ma leedahay?! Haddaa wax baa ka jira in ay hogaanka sare ee dalka awood taban iyo mid togan ba ku leedahay. Waxaan moodayay in ay ku kooban tahay “ hooyonimo Qaran.”

“Qalin maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim,Somaliland_author@yahoo.com”

Waxaan la dhaygagay dhambaal ka soo baxay, xafiiska af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qoraalkan oo ka warramayay safar shaqo oo madaxweynuhu ku tagay “ Imaaraadka” oo ay ku wehelinayaan Marwada kowaad iyo wasiirro dhowr ah.            hoos ayaad ka akhrin doontaan qormada. Hasa yeeshee waxaan la yaabay, in dhagaygu maqlaan indhahayguna arkaan taariikhda Somaliland markii ugu horreysay ee Marwada madaxweynuhu xog hayn yeelato, lana shaaciyo, siduu af-hayeenku inoo sheegayna waxaa magaceeda la yidhaahdaa (Xog-haynta gaarka ah ee Marwada Madaxweynaha JSL, Sabaax Cali Diiriy. Markaan arrintan maqlay. Waxaan la xidhiidhay qoraa dhinaca taariikhda macalin iigu ah saaxiib isku dheerna nahay oo la yidhaa (Cali Coomay) waxaan waydiiyay in diiwaanka taariikhda Somaliland ay meel uun kaga jirto xog-hayn marwo madaxweynuhu yeelatay.

Waa kan asalkii qoraalkii ka soo baxay xafiiska Af-hayeenka M. Jamhuuriyadda Somalialnd.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa u kicitimay maanta Imaaraadka carabta oo ay weftigu ka heleen martiqaad rasmi ah.

Safarkan madaxweyanaha oo qaadan doona dhawr maalmood waxa uu madaxweynuhu saxaafada xog ka siiyey ujeedada socdaalka isaga oo madaxweynuhu sheegay in ay ka wada hadlidoonaan inta ay ku sugan yihiin Imaaraadka sidii labada dal ay u sii xoojin lahaayeen xidhiidhka labada dal iyo wada shaqayntii walaaltinimo ee horeba ay u wada lahayeen.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu sheegay in ay ka wada hadlidoonaan mashaariic dhawra oo dani ugu jirto dalka iyo shacbiga Somalilandba.

Xubnaha madaxweynaha ku wehlinaayey Safarkiisa shaqo waxa ka mid ahaa
1. Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland, Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde
2. Wasiirka W/Warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka JSL, Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse
3. Wasiirka Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali Xaaji Xasan
4. Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Cali Axmed Cali
5. Wasiirka W/Arrimaha Gudaha JSL, Cali Maxamed Warancade
6. Wasiirka W/Biyaha, Baashe Cali Jaamac
7. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Xasan Daahir Dhinbiil
8. Xoghaynta gaarka ah ee Marwada Madaxweynaha JSL, Sabaax Cali Diiriye

 

Exit mobile version