WAJAALE NEWS

MADAXWAYNE,Ha U arkin Inay Is hayaan wasiirka & maareeyuhu Ee waxa Is Nacay Dhamaan Shaqaalaha Telefishanka iyo Maareeyaha

MADAXWAYNE,Ha U arkin Inay Is hayaan wasiirka & maareeyuhu   Ee waxa Is Nacay Dhamaan Shaqaalaha Telefishanka iyo Maareeyaha

ARAGTIDA DADWAYNAHA

Xaalada,cakiran ee ka taagan wasaarada warfaafinta,ayaa ha mid ka sii daraysa oo keeni karta gadood ka yimaada shaqaalaha oo ka dhan ah maareeye khadar xasan cali gaas,

Dareenka,shaqaalaha ayaa siwayn, looga dareemay cadho xoogleh, iyo shirar gooni,gooni ah oo shaqaaluhu kaga arinsanayaan,talaabadii ay qaadi,lahaayeen,hadii madaxtooyadu ku adkaysato in  la soo celiyo maareeye khadar xasan cali gaas, oo noqday masuulkii ugu horeeyey ee ay go,aanka qaataan dhamaan masuuliyiintii uga hoosaysay telefishanka iyo shaqaalihii ka hawlgayey, ka dib markii maareeyuhu,caadaystay,falalka,sababay in shaqaaluhu u qaadaan nacaybka heerkaa gaadhay,waa su,aal u baahan, inay ku qancaan cida jecel in markale khadar ku soo noqdo maamulka telefishanka qaranka,ee u haysta in wasiir cabdilaahi cukuse,sigaar ah u eryanayo khadar,ilama aha anigoo ka mid ah dadwaynaha u dhuun,daloola wasaarada warfaafinta

AFEEF

Waxaan ka afeefanayaa inaan loo arag,inaan ahay qof shakhsiyada khadar neceb,iyo qof la soo adeegsaday midna walaahi iyo bilaahi ayey iga tahay,waxaan ka hadlayaa xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta telefishanka qaranka,

maareeyaha telefishanka qaranka waxa loo magacaabay maamulka telefishanka markii laga takhalusay wasiir boobe yuusuf ducaale iy agaasimihii maamulka ee telefishanka xasan maxamuud,Oo lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo cadaalada xumo ka dhan shaqaalaha iyo shaqada qaranka.

khadar markii uu la wareegay shaqadii loo soo magacaabay dhamaan madaxdii iyo shaqaalihii waxay ula shaqeeyeen si wanaagsan,oo bilaa turxaan ah, -khadar cali gaas wuxuu go,aansaday,inuu cadaawad xoog leh u qaado cidii markaa uu u arkayey inay qaataan amarka wasiirkii ay is hayeen ee boobe yuusuf ducaale.

Horta khadar kamuu fikirin in amarka wasiirkii wakhtigaa lagu khasbanaa in la qaato waayo waa wasiirkii ka talinayey wasaarada warfaafinta khadarna,isagu wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha telefishanka qaranka.

Khadar cali gaas wuxuu bilaabay inuu keeno telefishanka rag uu ku garaacayo shaqaalaha oo uu siiyey awood aad u badan iyo mushahar xad dhaaf ah xakamayn iyo cadaadis uu ku sameeyey dhamaan wariyayaashii ruug cadaaga ahaa iyo farsamo yaqaanadii mudada dheer ka soo shaqaynayey telefishanka qaranka wuxuu ku soo rogay wararkii iyo barnaamijyadii lacago,laga qaado oo aan la garanayn cida qaata,wuxuu muujiyey,awood aad u foolxun oo ay ka muuqato cadaawad,uu u hayo shaqaalaha badankooda,waxa barbar socotay in cida ka hadasha ee ku celinaya maareeye maxaan ku galabsaday inaad,cadaadiskan  jawaabtiisu waxay ahayd iiga bax xafiika hadii kale shaqada ayaan dibada,kaa dhigayaa,qaarkoodna waabay dhacday, arimaha ceebta iyo foolxumada ah ee khadar ka dhex bilaabay telefishanka ayaa ah inay u qaybsamaan shaqaaluhu kooxo kala shakisan oo cadaawad dhexdooda la dhigay,basaasiin qaata mushahar oo maalin walba u geeya warar been ah oo ay ku diraan shaqaalaha qaarkood, waxa si cad oo aan madmadow,ku jirin uga dhacday xarunta telefishanka,in dhamaan,shaqaalihii macquulka ahaa ee shaqada hayey laga jarayo gunooyinkii qaarkoodna laga joojiyey inay fooda soo galiyaan kaamboolka wasaarada, lama koobi karo waxa foolxumo ka dhacday telefishanka qaranka

Madaxwayne waxaad masuul ka tahay dhamaan mudda reer somalilnd waxaad ahayd, siyaasi aad u neceb dulmiga iyo ninjeclaysi maad ahayn siyaasi looga bartay inuu raali ka ahaado,dulmi iyo tacadi loo gaysto,shacabkaaga,maantana ma aaminsanin,inay dhici karto madaxwayne siilaanyo wuxuu u dulqaataa dulmi iyo cadaalad daro iyo qof jeclaysi hadaba madaxwayne isma,hayaan maareeyaha iyo wasiirka warfaafinta,ee waxa is haysta dhamaan shaqaalaha telefishanka iyo khadar cali gaas oo waliba isku haya, dulmi iyo cadaalad xumo uu u adeegsaday awooda aad siisay,madaxwayne,waxa ka dhacday telefishanka qaranka in sidii siyaad bare hadaan xafiiska maareeyaha maalintii 20jeer aanad galin in laguu aqoonsado mucaarid, ka soo horjeeda mareeyaha,madaxwayn,waa dareenka dhabta iyo xaqiiqada ka jirta telefishanka, madaxwayne ha u arkin in rajo iyo danta iyo mustabqalka telefishanku ay ku jirto maslaxad,aad u gasho khadar qofkastaa wuxuu dareemi karaa inay adagtahay sida ya uwada shaqaynayaan dhamaan shaqaalaha telefishanka.

FARIIN KU SOCOTA ERGADA KHADAR CALI GAAS         

Waxaanu fariintan u dirayaa hooyo aamina xaaji maxamuud jirde iyo hooyo samsam cabdi aadan, oo labaduba ah Marwooyin  magac sumcad sharaf iyo qiime wayn aan u hayo waxaanan filayaa in sidayda oo kale dhamaan shaqaalaha telefishanka qaranku ay u haystaan,maroowinkan sharafta,leh oo waliba ay u dheertahay inay yihiin waalid aqoon iyo cilmiba leh, umalayn maayo inaad tihiin cid looga warami karo dulmiga iyo cadaalad xumadu heerka ay gaadhsiin karto,cida la kulanta xasuusnaada wakhtigii ina riyaale dalka, xukumayey.

in hooyo aamina xaaji maxamuud si cad loogu diiday shaqo ay ka heshay mid ka mid ah,hay,adihii caalamiga ahaa ee dalka ku sugnaa,hooyo samsam cabdi aaadan heerka aad ka taagnayd cadaalada xumada iyo waxaad ku kasbatay ina yar iyo waynba lagu amaano,waxaad aqoon u leedahay xuquuqd,aadamaha waxaad xasuustaa shuronet,iyo dhibtii aad kala kulantay xukumadii wakhtigaa jirtay ma ahayn, wax adiga dani kuugu jirto ee waxaad ahayn hooyo ka dhiidhiday cadaalad la,aan iyo tacadiga loo gaysto muwaadin aan waxba galabsan

Maanta waxa si,cad iigu muuqata inaad garab iyo hiilba u gasheen walaalkeen khadar xasan cali gaas oo isagu,Masuul,ka ah dhibta iy xumaanta ay u qaadeen dhamaan shaqaalaha telefishanka qaranka oo ka dhalatay sida uu u maamulay, waa su,aal ay iswaydiin leh KHADAR LABADIIDIMAYEE MEE DADKII UU XUKUMI LAHAA, waxaanu rajaynayaa inaad ka ka noqotaan go,aanka aad ku doonaysaan in lagu soo celiyo maamulka khadar telefishanka qaranka

Wa bilaahi towfiiq

Nasrigii ilaahay iyo idiin maqan nasiibkiin

Aadan xuseen kaahin

Hargeisa xaafada xawaadle

Exit mobile version