WAJAALE NEWS

Magacyada 5 Qof Oo Maxakamad Loo Soo Taagay Weerarkii Jaamacadda Garissa

Hargeysa(Wajaalenews)Dawladda Kenya, ayaa maxakamad soo taagtay 5 qof oo ku eedaysan weerarkii Ururka Al-shabaab ka gaystay Jaamacadda Garissa ee waqooyi bari Kenya.

Waaxda baadhitaanka ayay mudo ku qaadatay baadhista ay ku hayaan shantan qof, kuwaasi oo muddo 2 bilood ah ku xidhnaa xabsiga, waxaana la xidhay 48 saac kadib weerarkii Garissa ee 2-dii April 2015-ka.

Dadkan oo 4 qof dhalashadoodu tahay Kenyan ayaa magacyadoodu yihiin Maxamed Cali Abikar, Xasan Edin Xasan,Sahal Diiriye Xuseen, Cismaan Cabdi Dagane iyo Rashid Charles Mberesero oo u dhashay dalka Tansania.

Raggan ayaa iska diiday dhammaan eedeymaha lagu soo oogay, waxaana dacwad-oogaha uu Maxkamadda ka sheegay illaa 162 dambiyo argagixisonimo ah, iyagoo noqonaya shaqasiyaadkii ugu horreeyay oo weerarka Jaamacaddii Gaarisa loosoo taago maxkamad.

Magacyada dadkii lagu dilay Weerarkaas oo u badnaa Arday ayaa Maxkamadda laga akhriyay, sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka AFP.

Garsoorasha Maxkamadda Daniel Ogembo ayaa sheegay in dadkan lagu sii haynayo Xabsiga illaa 11 bisha June ee sannadkan, xilligaasoo dib la isugu soo laaban doono dhageysiga dacwada.

Shantan qof oo Maxakamadda la soo taagay Khamiistii ayaa ku eedaysan inay gacan ka gaysteen weerarkii Jaamacadda Garissa oo ay ku dhinteen 142 Arday iyo 6 ka mid ah xooggaga amaanka Kenya.dadkaasi ayaa qaar kood lagu qabtay halka weerarku ka dhacay iyagoo ku dhuumanaya markii weerarku dhamaaday.

 

Exit mobile version