WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Jsl Oo Tacsi u Diray, Sedex Masuul Oo Galabta Shil Gaadhi Ku Geeriyooday.

28/06/2015

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka geeriyoodeen

  1. Marxuum Weli Daauud Cigaal (masuul sare oo ka tursanaa Wasaaradda Maaliyada qaybta Qorshaynta)
  2. Marxuum Maxamed Daauud Yuusuf (Weriye ka tirsanaa Horn cable Tv) iyo
  3. Marxuum Muuse Cali Haybe (Askarigii ilaalada u ahaa wasiirka Maaliyada) oo shil baabuur oo naxdin leh ugu geeriyooday inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa ka dib markii ay dulmartay gaadhi booyad ahi, gaadhigii ay saarnayeen saddexdaa marxuum shilkaasina ay ku geeriyoodeen.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumiintaasi inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL.

Exit mobile version