Qoraxdii timaadaba muxu qalinku sheekiyo mahadhooyin qorayaa”
Walee qalin daraalaha danbi qaranka laga galay kama qariyo wadhatada
walee qoonka mirirka leh qarka sare ma dhaydhayo
HARGAYSA(Wajaalenews) Saacadu waa kow iyo tobankii subaxnimo wadada halbawlaha ah ee madaxtooyada hormartaana waxay u shaqaynaysaa sidii caadiga ahayd,
Ciidamada nabadgalyada wadooyinku waxay ku hawlanaayeen sidii ay u kala hagi lahaayeen isku socodka gaadiidka, bisha lagu jiraana waa bishii ramadaan.
jidka horama Tulba Taariyada.iyo jidka wayn ee halbowlaha ah halka ay iska jaraan
waxaa taagnaa sedex Askari oo ah kuwa kala haga gaadiidka amaba taraafiga
waxaa mardhuqa jidka dhinaca koonfureed amaba dhismaha cusub ee wasaarada Arimaha Gudaha Wasiir Waran Cade Oo Wata Gaadhi lambarka shicibka leh iyo laba gaadhi oo ilaa ladiisuna daba socdaan
midkamida ciidanka nabadgalyada wadooyinka oo shaqadiisii wata ayaa ha kiyay gaadhii wasiir waran cade saarnaa si isku socodka gaadiidku u socdo
Waxaase silama filaana daaqada gaadhiga uga soo booday wasiir waran cade,
kuye wuxuu cay iyo hanjabaad ku bilaabay Askarii wadada hala hagayay.
muxuuse ku yidhi? maxaa halkan idinkeenay baastar ayaa tahay ka dhaqqaqa jidka soco baastar yohow, waxa kale oo uu u raaciyay aflagaadooyin kale oo aanu kala xishoonay in aan warbaahinta kusoo gudbino
Askarigii oo an fariirsan ayaa wuxu ugu jawaabay waayahay wasiir wayahay seer iyo ereyo kale oo muujinaya qaabka masuul loola hadlo
Xiliga uu wasiir waran cade u hanjabayay ninkan askariga ah waxaa Agboodayay ciidamo dhan oo ilaaladiisa ah una ha muunqabay in mar uun uu amarsiiyo si ay ninkan askariga cagta u mariyaan
Dhacdadan ayaa anfariir ku noqotay dhamaan bulshadii meesha maraysay waxase is qaban wayday waa wasiirkii arimaha gudaha iyo cayda iyo hadidaada uu kula kacay taraafig shaqadii qaranka gudanayay
SAACADA DHACDADI DHACDAY WAXAAN GOOB JOOG AHAA MID KAMIDA HAWLWADENADA SHABAKADA WAJAALENEWS IYADOO AANAY U SUURTOOBIN IN WAX SAWIRA KA QAADO JAWIGA OO AHAA MID KAKAN.
WAJAALENEWS DESK
HARGAYSA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM