DHACDO LAYAABLE;Maxaa Kala Qabsaday Wasiir Waran Cade Iyo Midka Mida Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka?. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DHACDO LAYAABLE;Maxaa Kala Qabsaday Wasiir Waran Cade Iyo Midka Mida Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka?.
June 20, 2015 - Written by Editor:

Qoraxdii timaadaba muxu qalinku sheekiyo mahadhooyin qorayaa”

Walee qalin daraalaha danbi qaranka laga galay kama qariyo wadhatada

walee qoonka mirirka leh qarka sare ma dhaydhayo

HARGAYSA(Wajaalenews) Saacadu waa kow iyo tobankii subaxnimo wadada halbawlaha ah ee madaxtooyada hormartaana waxay u shaqaynaysaa sidii caadiga ahayd,

Ciidamada nabadgalyada wadooyinku waxay ku hawlanaayeen  sidii ay u kala hagi lahaayeen  isku socodka gaadiidka,  bisha lagu jiraana waa bishii ramadaan.

jidka horama Tulba Taariyada.iyo jidka wayn ee halbowlaha ah halka ay iska jaraan

waxaa taagnaa sedex Askari oo ah kuwa kala haga gaadiidka amaba taraafiga

waxaa mardhuqa jidka dhinaca koonfureed amaba dhismaha cusub ee wasaarada Arimaha Gudaha  Wasiir Waran Cade Oo Wata Gaadhi lambarka shicibka leh iyo laba gaadhi oo ilaa ladiisuna daba socdaan

midkamida ciidanka nabadgalyada wadooyinka oo shaqadiisii wata ayaa ha kiyay gaadhii wasiir waran cade saarnaa si isku socodka gaadiidku u socdo

Waxaase silama filaana daaqada gaadhiga uga soo booday wasiir waran cade,

kuye wuxuu cay iyo hanjabaad ku bilaabay Askarii wadada hala hagayay.

muxuuse ku yidhi? maxaa halkan idinkeenay baastar  ayaa tahay ka dhaqqaqa jidka soco baastar yohow, waxa kale oo uu u raaciyay aflagaadooyin kale oo aanu kala xishoonay in aan warbaahinta kusoo gudbino

Askarigii oo an fariirsan ayaa wuxu ugu jawaabay waayahay wasiir wayahay seer iyo ereyo kale oo muujinaya qaabka masuul loola hadlo

Xiliga uu wasiir waran cade u hanjabayay ninkan askariga ah waxaa Agboodayay ciidamo dhan oo ilaaladiisa ah una ha muunqabay in mar uun uu amarsiiyo si ay ninkan askariga cagta u mariyaan

Dhacdadan ayaa anfariir ku noqotay dhamaan bulshadii meesha maraysay waxase is qaban wayday waa wasiirkii arimaha gudaha iyo cayda iyo hadidaada uu kula kacay taraafig shaqadii qaranka gudanayay

SAACADA DHACDADI DHACDAY WAXAAN GOOB JOOG  AHAA MID KAMIDA HAWLWADENADA SHABAKADA WAJAALENEWS IYADOO AANAY U  SUURTOOBIN IN WAX SAWIRA KA QAADO JAWIGA OO AHAA MID KAKAN.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS