WAJAALE NEWS

Ciidamada Qaranka Somaliland oo ku Ruqaansaday Tukaraq Markii Puntland Hubka Culus ku soo Riday iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Gaadhay Jiida Hore.

“Weerarka Puntland oo la Sheegay in uu ka Danbeyey Hub iyo Gadiid Dagaal  oo Imaaradku Siiyey Jubbaland, Isla markana  Jubbaland ay qayb ka mid ah Hubkaasi siisay Puntland”

“Ciidamada Qaranka Somaliland oo kaabiga ku haya Tukaraq”

ciidanHargeysa (Wajaalenews) Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa ku Ruqaansaday Tullada Tukaraq oo ay ku Sugan yihiin Ciidamada Puntland ka dib markii ay shalay Hubka Culculus ku soo Rideen fadhiisimada ay ku sugan yihiin Ciidanka qaranka Somaliland ee Aaga Gambadha.

Ciidamada Qaranka Somaliland oo ka jawaabay Rasaastaasi laga soo riday Dhanka Puntland ayaa waxa ay Ciidamadu Fadhiiso Cusub ka sameysteen dulleedka Tukaraq oo saldhig u ah Ciidanka Puntland oo maalmihii ugu danbeyey soo dhigtay Ciidamo.

Wararka naga soo gaadhaya Jiidaasi ayaa sheegaya in Labbada Ciidan isku dhaw yihiin isla markaana wakhti kasta la fillan karo in Dagaal ka dhex qarxo, iyada oo labbada Dhinacba heegan ay ku jirin, balse Wararka u dhuundaloola Xaalada halkaasi ka taggan ayaa sheegaya in Puntland ay Weerarka waddo iyada oo Doonaysa in ay Qabsato Magaalada lascaanood, si ay u fuliyaan Balanqaad uu wakhtigii ololaha uu ku jiray Madaxweynaha Puntland uu sheegay in uu dib gacanta Puntland ugu soo celindoono Magaalada Lascanood oo ah Dhulka Somaliland.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in sababta Puntland ku kaliftay in ay dagaal gasho ay tahay hub iyo gadiid Dagaal oo la sheegay Dawlada Imaaradku ugu deeqday Jubba Land, Isla markana  Jubbaland ay qayb ka mid ah Hubkaasi siisay Puntland, waxaanay wararku tilmaamayaan in Hubkaasi Shallay ay ku Baroobaynayeen Ciidanka Puntland oo ay Riidayeen.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeya gaas Ismaciil  Shaqale ayaa Shallay Gaadhay Jiida hore ee Ciidanka Qaranka isaga oo shallay Aroornimadii ku sugnaa Degmada Oog oo uu u sii dhaafay Jiida Hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland ku sugan yahay isaga oo indha indhaynayey  Xaalada guud ee ka jirta Aagaasi.

Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa si Dhaw ulla Socda Duulaanka la filayo in ay soo qaaddan Ciidanka Putland iyada oo Somaliland leh Ciidan Aadag oo wakhti kasta oo Dagaal ay gallaan ka Guuleysta Cadawga soo weerara.

Exit mobile version