Hargaysa(Wajaalenews)-Siyaasiga Axmed Xaaji Cabdilaahi ‘Xamarje’ oo ka mid ah Saaraakiisha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,ayaa su’aal galiyay suura-galnimadda inay fusho hanjabaad uu Maanta Wasiirka arimaha gudaha Somaliland u diray Xisbiyadda Mucaaradka ah iyo Beesha caalamka,Xili ay si weyn u sii kala fogaanayaan Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageerta taabo-galinta Dimuqraadiyada Somaliland lagu majiirto iyo Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo.
Xamarje, oo qoraal kooban dhigay barta uu ku leeyahay Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ka ayaa sheegay inay suuragal tahay inay dhacdo hanjabaad ina Waran-cadde haddii aan lays aqoon siduu hadalka u dhigay.
Dhinac kalena,hogaamiyaasha Xisbiyadda Siyaasada Somaliland ayaa si toos ah ugu eedeeyay Xukuumadda inay ku badhi furtay Heshiiskii ay wada galeen ee ee lagu soo af-jarar Khilaafkii Siyaasaddeed ee ka dhashay Muddo-kordhintii ay Golaha Guurtidu u sameeyeen Xukuumadda Iyo Wakiiladda.