WAJAALE NEWS

Xusuustii Iyo Xuskii Marxuum Alle ha unaxariistee Prof. Moh’ud Muhumed Warsame (Moh’ud Affey)

Maanta oo ay bishu tahay 09/05/2015 waxa ay  ku began tahay laba sano ka hor geeridii Alla ha unaxariistee macalilnkii waynaa prof.mohamud muhumed warsame (mohamud affey) oo ka mid ahaa halyeyadii dib usoonooleeyay rajadii waxbarashada ee dalkeena xili ay adkeyd in xaaladii taagnayd waxbarasho lagu billaabo. Marxuumku waxa uu kudhashay magaalada Gabiley oo dhinaca Galbeed kaga Beegan Magaalada caasimada ee Hargeisa sanadii 1948kii.waxa uu waxbarshadii malcamad quraanka iyo dugsigii hoose dhexeba kagaley isla magaalada gabiley,

halkaas oo uu kasii watay ilaa heer jamacadeed oo uu dhamaytay jamacadii tababarka macalimiinta ee lafoole.Macalinka hadii aan waxka tilmaamo sifooyinkii wanaagsanaa iyo taariikhdisii waxa uu ahaa qof daacad ah, dadaal badan,alla kacabsi badan, maskax furan, wakhtiga ilaaliya oo shaqadiisa u feejigan isla markaana heegan u ah shaqada uu uhayo dadkiisa. dhaxalka maguurtada ah ee uu inoogatagay marka lagareebo dhalinyarada farahabaddan ee uu waxbaray guddo iyo dibadba waxa kale oo uu ahaa qorihii iyo dajiyihii manhajka waxbarashada dalkeena kadib burburkii inagu dhacay waxa uu gaar ahaan assaaska udhigay manhajka xisaabta (math) dugsiyada hoose/dhexe ilaa  dugsiyada sarre ee dalkeena Somaliland.

Xiligii uugu danbeysay waxa uu barre sare ka ahaa jamacaha dalka gaar ahaan jamacada Hargeisa iyoTtima-adde oo uu ahaa macalimiintii bilawday ilaa uu kageeriyooday 2013kii.waxa mucjiso ahayd  xiligii uu ilaahay ka gudoomay nafta kahor waxaa uu soogutay waajibkii saarnaa xiisad buuna galinkii danbe soodhigay.

Gabbo gabadii wallaalayaal waxaan ilaahay uuga baryaynaa dhamaan macalimiinteenii inuu u naxariisto kuwo horre iyo kuwo danbaba.

Waxaan dhamaanteen ognahay inaanu macalinku aduuyo badan dhaqanin laakiin dad aqoonleh uu soosaaro sidaa darteed waax idanka codsanayaa  inaad macalikeenii qaaliga ahaa aad uducaysaan xilikasta oo aynu ilaahay baryeyeno isaga iyo cidkasta oo xaq inagu lehba.

Allaa mahadleh

Qorre : Hussein Mohamed mohamud

Exit mobile version