WAJAALE NEWS

Xukuumadda Somaliland Oo Dalka Ka Hor Istaagtay, Kana Saaraysa Dublamaasiyiin Iyo Hay’addo Ay Ku Eedaynayso Faragalin

Toddoba Safiir Oo La Filayo Inaanay Dalka Soo Galin 20-Ka Bishan

Hargeysa(Wajaalenews)-Warar isa soo taraya oo ka soo baxaya Hay’addaha Xukuumadda ayaa sheegaya in amar lagu bixiyey inaanay Dalka u iman wadahadalka muddo kordhinta Golaha Guurtiddu u sameeyeen Baarlamaanka iyo Xukuumadda, kaasoo ay Xukuumaddu ugu baaqday Axsaabta Mucaaradka ah.

Lama hayo qoraal rasmi ah oo arrintan ku saabsan oo ay Xukuumaddu warbaahinta siisay, hase yeeshee ilo wareedyo muhiim ah oo u dhuun daloola talaabada ay xukuumaddu qaaday ayaa sheegaya inay qoraal u kala dirtay toddoba Safiir oo doonayey 20-ka bishan inay Somaliland u yimaadaan inay culays ku saaraan wadahadalada u furmaya Xukuumadda iyo Mucaaradka.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka hadlay xuska sanad guuraddii 24aad ee madax banaanida Somaliland ayaa beesha Caalamka ku eedeeyey in ay iska dhago mariyaan marka Somaliland ka codsato inay ka taageeraan wadahadaladii burburay ee Somaliya, halka ay ku ad adag yihiin faragalinta siyaasadda gudaha Somaliland, waxaanu ugu baaqay inay faraha kala baxaan waxa Ay Somaliland xalisan karto.

Dhawaaqa Madaxweyne Siilaanyo ayaa xoojinaya xogta sheegaysa in ay Xukuumaddu Dalka ka hor istaagtay safiiradda u iman lahaa wadahadalka muddo kordhinta Doorashooyinka, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo ku canaantay in safiiraddaas war qaldan la siiyey.

Dhinaca kale, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha hay’addaha oo Idaacadda VOA-da waraysi siiyey ayaa sheegay inay Dalka ka saarayaan hay’addo faragalin ku sameeyey siyaasadda Arrimaha gudaha Somaliland, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay ku xad-gudbeen shaqadii ay Dalka ku joogeen.

 

Xigasho Waaheen

 

Exit mobile version