WAJAALE NEWS

Xisbiyada Mucaaradka Ah Oo Beri Dhigaya Banaabaxyo Lagu Diidanyahay Mudo Kordhinta Guurtida

Hargeysa (Wajaalenews)-Waxa si weyn looga abaabulayaa magaalooyinka waaweyn iyo Degmooyinka Mudahaarado aan noocooga hore loo arag ,kuwaas oo lagu diidan yahay mudo kordhinta ay Golaha Guurtidu u samaynaan Xukuumada Siilaanyo ee wakhtigeedi dhammaaday.

Mudaharaadadan oo ay soo abaabuleen labada xisbi mucaarad iyo mudo kordhin diidku,ayaa waxa ka qayb-qaadan dhammaaba qaybaha Bulshada,iyadoo la filaayo inay maalinta beri ah ay ka dhacaan Degmooyinka iyo Magaalooyinka Hargeysa Berbera Burco Iyo Ceerigaabo.

Magaalo Madaxda Hargeysa ayaa si weyn looga dareemayey tan iyo habeenkii xalay ahaa qaban qaabada mudahaarkaasi,iyadoo la sheegay in doorasho doonku  ka hor mudahaaradi doonaan xaarunta golaha guurtida Somaliland afaafkeeda hore maalinta beri ah.

Dhanka Kalena labada xisbi Mucaarad ayaa wasaaradaa arimaha gudaha Somaliland u gudbiyey warqad daalabka mudahaaraadka,balse lama sheegin inay wasaarada arimaha guduhu ogalatay iyo inay diiday midna.

Isku soo baxan ayaa ah sida la sheegay mid aan dalka hore uga dhicin isagoo aan lahayn sida la sheegay wax rabshada ah,balse ay shacabka iyo siyaasiyiintu dareenkooda ku muujinayaan sida u diidanyihiin mudo kordhinta golaha guurtidu u samaynayaan.

Isku soo wada duuboo waxa la saadaalinayaa in maalinta beri ah ay mudahaardo waaweyn oo lagu diidanyahay mudo kordhinta golaha guurtidu ugu dhawaaqdo  xukuumadda Siilaanyo,balse waxaynu dhawrnaa waa waaka beri iyo wacdaraha doorasho doonku iyo mudo kordhindiidku dhigaan

 

 

 

 

Exit mobile version