WAJAALE NEWS

Wasiirka Duulista Iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo La Sheegay In ay Isku Khilaafeen Iibka Dhulka Masalaha

HARGAYSA(Wajaalenews) Iyadoo muranka iyo khilaafyada dhulku yahay mushkiladha u waawayn ee soo noqnoqda  nabadgalyo darada saboba walina aan loo helin xal iyo xeerar lagu xakameeyo Waxaa hadana maalin walba kor u sii kacaya qiimaha dhulka lagu kala iibsanayo iyadoo taasi mar labaad sabobtay in damaca dhulka loo meel dayin oo bulshadu buur iyo banaanba ay sheegato wadar iyo waaxidba loo sheegto meelaha qaarkoodna beelo ay sheegtaan

Sidoo kale muranka dhulka iyo khilaafyadiisa ayay la wadaagaan Shacabka Masuuliyiinta Dawlada ugu saraysaa hadaba sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa noo xaqiijiyay in Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud  Xaashi  Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil SHaqale isku maandhaafeen Dhul  Eerbortka Hargaysa dhinaca galbeed ka xiga oo loo yaqaanay GAAS M oo ilo wareedyadu sheegayaan in laga iibiyay Ganacsade Aadan Baradho  iyadoo ilowareedyadu ay sheegayaan in labada Masuul  isku khilaafeen sifaha lagu iibiyay dhulka iyo Masuulka gacanta hore lahaa

Dhulkan ayaa la sheegayaa in uu  dan guud ahaa waayadii horena Duuliyayaashii Ciidankii Cirka ee Dawladihii Soomaaliya daganaan jireen waxaa marar hore lahaanshihiisa isku khilaafay Beesha Ciidagale iyo Ciidanka Qaranka oo dhinaca walina aan morankaasi aan xall loo helin

Khilaafkan labada masuul oo aan dibada u soo wada bixin ayaa la filayaa in maalmahan fooda inagu soo haya uu dibada u soo baxaan waxaanay ilo wareedyadu sheegayaan in ay kaaf iyo kala dheeri ay kala tagan yihiin Wasiirka Duulista iyo Hawada Taliyaha Ciidanka Qaranka  S/LAND oo dhinac ah

Exit mobile version