Amb QaybeWaxaa Shirkaas lagu soo bandhigay Taariikhdii,Noloshii Iyo Aqoontii Marxuun Axmed Maxamed Aadan Qaybe Waxaana laga soo jeediyay Warbixintan oo u dhignayd Sidan:-
Marxuun Danjire Sare Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” wuxuu ku dhashay magaalada cadan ee dalka Yemen
1930, halkaas ayuu dugsiga hoose iyo dugsiga sare kusoo qaatay wuxuu kuso laabtay somalia 1954 waxaa loo magacaabay madaxa karaaniyaasha ee Maxmiyadii Ingiriisku Maamulayay ee Somaliland 1956 waxaa loo magacaabay xoghayaha fulinta degmada berbera dabayaaqadii1956 ayuu wax barasho u aaday ingiriiska jaamacad la yiraahado endenbar taas oo uu kusoo bartay maamulka dawladaha hoose 1957 wuxuu hadana aaday jaamacada exford oo uu kusoo bartay maamulka guud 1959 wuxuu noqday xoghayihii guud ee majliska tashriiciga oo iu ingiriisku xukumi jiray 2bishii koobaad wuxuu ilaa bishii lixaad wuxuu tababar ayuu utagay parlamankii ingiriiska oo uu kusoo baranayay sida loo socod siiyo parlamanka 1960 markii xornimada laqaatay gobolada waqooyi wuxuu noqday xoghayihii golaha wasiirada gobolada waqooyi 1961 ilaa1965wuxuu noqday danjirihii midowgii sofiyatka somalia ufadhiyay 1965 ilaa1968 wuxuu noqday danjirihii somalia u fadhiyay qaramada midoobay magaalada Washington.
1970 ilaa 1975 wuxuu ahaa danjirii rassia ufadhiyay somalia 1975ilaa 1980wuxuu danjirihii somalia ufadhiyay london ama ingiriiska 1980 ilaa1985 wuxuu ahaa xoghayihii wasaarada arimaha dibada somalia 1990ilaa1991 wuxuu ahaa wasiirkii arimaha dibada somalia,Marxuunku 1991 ilaa 2014 wuxuu ku sugnaa magaalada hargaisa ee caasimada Somaliland isagoo 1997kii ilaa 2005 ahaa Gudoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland halkaas oo uu aakhirkii ku geeriyooday alle haw naxariisto danjirihii qaarada africa amp qaybe AUN.
Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye: Abdiqadir Habane