WAJAALE NEWS

Soo Dhawayntii Mayirka Hargaysa Oo loo Adeegsaday Gadiidka Dab damiska Iyo Shaqalaha Dawlada Hoose+Khilaaf Huursanaa Ka Dhex Qarxay Wasiirka Duulista,

Soo Dhawayntii Mayirka Hargaysa Oo loo Adeegsaday Gadiidka Dab damiska Iyo Shaqalaha Dawlada Hoose+Khilaaf Huursanaa  Ka Dhex Qarxay Wasiirka Duulista,

HARGAYSA(Wajaalenews) maayirka caasimada hargaysa Cabdiraxmaan  Maxamud Caydiid oo mudo safar ugu maqnaa  dalka sweden  ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Soo dhawaynta maayirka ayaa waxaa ka qaybgalay shaqaalaha dawlada hoose iyo gaadiidka dabdamiska oo iyaga loogu talo galay ka hortaga aafooyinka dabka taasi oo ay dayac ku keentay shaqada gaadiidka dabdamis oo wararka aanu helay tibaaxeen mudadii ay ku jireen soo dhawynta maayirka in ay tagi kari wayeen dabka kacay  agagaar xaafada kililka inkasta oo aan dabkaasi ahayn mid khasaare gaystay  markiibana la bakhtiiyay .

Dhinaca kale shaqaalaha dawlada hoose ayaa iguna maanta aan ka xaadirin xafiska iyo shaqadii qaranka oo gabi ahaanba dayacnayd,

Dadwaynaha soo dhawaynayay ayaa iyagu waji gabax kala kulmay maamulka madaarka caasimada oo gabi ahaanba udiiday in ay galaan gudaha madaarka halka maayir soltelkana laga xidhay qolka nasashada ee madaar isagoo dadwayanaha soo dhaweeyay uu kala hadlay barxada madaarka

Arinta ayaa dabada usoo saartay khilaaf mudoba huursanaa oo u dhaxeeyay maayirka caasimada iyo wasiirka duulista , hawada oo mudooyinkii udanbeeyeey la wareegay shaqadii dhulka ee maamulka dawlada hoose

Soo dhawaynta maayirka ayaa ahayd mid aan xiligan loo baahnay iyo kharashka lagu burburiyayna ahaa mid xad dhaafa

maayirka magaalada hargaysa ayaa u muuqda mid dabac badani ka muuqdo maamulkiisa iyadoo shaqadii dawlada hoose ay isku haystaan wasiirka arimaha gudaha iyo wasiirka duulista .lana wareegeen gabi ahaanba.

WARIYE CABDIQADIR CABDIRAXMAAN

HARGAYSA SOMALILAND

WAJAALENEWS DESK

 

Exit mobile version