WAJAALE NEWS

Shirkada ASAL PRINTING PRESS Miyaanay Muwadin Ahayn?

Waxaa jira sidaynu wada ognaha shirkado badan oo daabaca xaysisyada iyo boodhadhka oo muwaasiniin ah hada xuskii 18 may waxa si wayn ugu dhaxmuuqday shirkadahaa aan xaga sare ku xusay oo ay hor kacaysay shirkada Sagel Jet qayb wayn ka qaatay dabaaldaga xornimada Somaliland oo shalay laga xusayay guud ahaan dalka dibadiisa iyo gudahiisaba

Dhamaan shirkada muwadiniinta ah ayaa dhamaantood si wayn uga dhaxmuuqaday xuska 18 may taasi oo ay ku muujinayeen muwaadinimadooda iyo adeegyada kala duwan ee ay bulsha u qabtaan sidoo kale qiimo dhimis u sameeyay bulsha waynta ku xidhan.

 

Waxa iyaguna sidoo kale si wayn uga qaybqaatay ururada bulshada sida kuwa waxbarshada ganacsiga arimaha bulshada shirkadha isgaadhsiinta  jamacadaha dalka ee kala duwan iyo qaybaha kale ee bulshada reer Somaliland kuwasi oo shacuurtooda ku muujinaya maalintan

Shirkada dabacada asal printing press oo isku sheegta inay tahay muwaadin Ayaan marqudha aanay indhahaygu qaban iyada oo ka dhaxmuuqata xuska 18 may

Sidoo kale shirkada oo dhawaan ku fashilantay daabcada shabadaha oo ay ku guuldaraysatay inay sitoosa u soo saarto iyad oo adeegsanaysa qalabkeeda kala duwan.

Hadaba waxan odhan lahaa waa inayna muwaadinimadu ku eekan television laga hadlo oo bulshada layskaga dhigo inad tahay muwaadin dhaba laakin waa inaad si dhaba bulshada aad ula wadagtaa dareenkooda iyo shacuurtoodaba adigoo ay ka dhab tahay muwaadinimadu.

Hadii aan dib idiin xusuusiyo maalintab 18 ka may ayaa ah maalin Somaliland xornimadeeda iyo madaxbananideeda kala soo noqotay dowladii laysku odhan jiray Somalia

Maalintani ayaa bulsho waynta Somaliland ku soo bandhigaan madaxbananidooda iyo dareenkooda sidoo kalena maalintan ayaa umada reer Somaliland ku qaaliya oo ay si wayn uga qayb qaatan xusida 18 ka may.

 

Wabilaahi Towfiiq

Alla Mahad Iska Leh

 

Qalinkii :- Wariye Abdiqadir Habane

Email:- habane00@gmail.com

Phone: – 0633428211

Exit mobile version