WAJAALE NEWS

Saska Mudo Kordhinta Iyo Sooyaalka Xeeladaha Siyaasadeed Ee Gudoomiyaha Golaha Guurtida.

Waa sadaro hufan oo si saxa diiradda u saari doona sooyaalka xeeladaha siyaasadeed ee Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleemaan Maxamuud Aadan [S/GAAL] waa xog ururin sugan oo aynu dib ugu jaleecayno Muuqaalka Sooyaalka Xeeladaha Siyaasadeed ee Siyaasi daneeyayaasha arimaha doorashooyinku iyo arimaha dimuquraadiyadu SAS wayn ka qabaan iyadoo laga cabsoonayo in uu abuuro jahawareer siyaasadeed oo dalku galo sidoo kalena la filayo in mudo kordhin waqtigii lagu heshiiyay khilaafsan ay soo saaraan Golaha Guurtida ee uu GUDOOMIYAHA ka yahay Saleemaan Maxamuud Aadan [S/GAAL]

Hadaba qormadan dib ugu jaleecnayno sooyaalka xeeladaha siyaasadeed ee G/Saleemaan oo aan kala sheekaysanay Siyaasiyiin kala duwan oo waayo badan ay soo wada qaateen G/Saleemaan ugu horayn waxay noo sheegeen in kalidii taliyihii Maxamad Siyaad Bare u bixiyay naanaysta uu caanka ku yahay ee [S/GAAL];;

Gudoomiye Saleemaan waxuu saaxada siyaasada ka gaadhay Dawladii Kalidii Taliyihii Siyaad Bare Wasiir ku xigeenka Wassarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxaanu halgankii dib u xoraynta Qaran ku soo biiray sanadkii 1990 waqtigaa oo abaabulkiisu socday Shirkii Baligubadle waxaase xasuus gaara maanka hogaamiyayaashii halganku maskaxdooda ka sii guuxaysa qudbad xanaf iyo xajiin badan xambaarsanayd oo Gudoomiye Saleemaan ka jeediyay Madasha Shirku ka dhacayay

 

Sooyaalka muuqaalka xeeladaha siyaasdeed ee G/Saleemaan ayay dadkii aanu kala sheekaysanay daaha ka qaadeen eedaymo culus oo bulshada ka dadan waxaanay Gudoomiye Saleemaan ku eedeeyeen in uu curyaamiyay qorshihii lagu yagleeli lahaa Ciidamo nabadgalyo oo amniga suga iyagoo ku eedeeyay G/ Saleemaan in uu sabobay dagaaladii sokeeye ee dabarka adag ku xidhay in ay taabo gasho Dawladii ugu horeysay ee S/LAND M/ C/Raxmaan Axmad Cali isagana u magacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha sidoo kale dadka siyaasada u kuur gala ayaa aaminsan in G/Saleemaan siyaasadisu salka ku hayso qabyaalad

Sidoo kale dad badan ayaa aaminsan in Gudoomiye Saleemaan yahay shaqsiyad qalafsan saamaxaada iyo cafiska aqoon iska caabin badan oo suluxa iyo samahaba ku xajiimooda iyadoo marag iyo cadaymo uga dhigayaan khilaafkii markuu bilo joogayba ka dhex qarxay G/Saleemaan iyo Madaxwaynihii hore ee Rayaale oo la.aantii aanu fadhiisteen Kursiga Golaha Guurtida ee uu ku fadhiyo waxayse bulshowaynta S/LAND maanka ku hayaan hadaladii xanafta lahaa ee G/Saleemaan ku weeraray isagoo Warbaahinta u mariyay Madaxwaynihii hore ee Rayaale waqtigaas oo loo diyaar garoobayay laguna kala fikir duwanaaday xeerka doorashadii Golaha Wakiilada S/LAND ee 2005 dalka ka dhacday

Dabayaaqadii Sagaashamaadkii ilaa bilowgii Qarnigii Labaatanaad waxuu G/Saleemaan [GAAL] aasaasay Ururkii Asad waxaanu si badheedha uga soo horjeestay Aftidii Distoorka waxaanu ku celcelin jiray             [ Yaa ina kala badbaadiya]

Ugu danbayn dad badan ayuu G/Saleemaan ugu suntan yahay siyaasi aan Dadkiisa iyo Dalkiisa u tudhin xaalad abuurna looga soo bartay bulshaduna SAS ka qabto ayaa waqtigan la filayaa in mudo kordhin khilaaf hor leh Xisbiyada Xukuumada iyo Komishanka Doorashooyinka kala dhex dhigta uu soo saaro.

WAJAALENEWS STAFF

HARGAYSA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

Exit mobile version