HARGAYSA(Wajaalenews)shalay jimcihii ayay ahay ka dib markii dablay hbaysani soo weerartay goob moran ka taagnaa lahaan shaheega waxaan halkaa wax yelo kusoo gaadhay laba askari oo boolisa ayaa ku dhintay qaar kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib weerar ay soo qaaden koox dablay ah oo cadaalad daro ka tirsanaysay, dhul dacwadiisi mudo ka socotay maxkamada hargaysa kuwaasi oo rasaas oogta kaga qaaday askar police ah oo ilaalada dhulkan loo geeyay muranka dhulakn.
dhulkan oo kuyaala galbeedka magaalada hargaysa ayaa ay ku muransan yihiin laba dhinac kuwaasi oo dhinac kamid ahi geeyay goobta boolis halka dhinaca kalana u arkeen in ay jirto xidhiidho danaysi oo shaqsiyadeed ay la sameeyeen qaar kamida masuuliyiinta dawladu sida wasiirka Arimaha Gudahana Cali Warancade iyo Taliyaha ciidanka Police Iyo xildhibaano ka trsan golaha deegaanka.
ilo wareedyo ay heshay shabakada wararka ee wajaalenews ayaa sheegaya in ay jirtay wax isdaba marin iyo eex dhinaca garsoorka ah oo ay wada jir u sameeyeen gudoomiyihii hore ee maxkamada sare ka hor intii aan xilka laga qaadin iyo xubno kale . kuwaasi oo dhinac ka noqday inay dhex u ahaadaan labada dhinac ee dacwadu ka dhaxaysay.
labadan masuul ayaa lasheegayaa in loo balan qaaday in dhulka wax lagasiin doono hadii ay dhinacooga u xagliyaan taasi oo keentay in taliyaha booliska oo ay isku hayb yihiin dhinac u diro police goobta kadibna ay soo weeraraan dhinicii kale oo cadaalad daro u arkay ficilkan uu ku dhaqaaqay taliyaha saldhiga koodbuur Diinqal.
Garsoorka oo aan madaxbanaanayn iyo shaqsiyaad dawlada katirsan oo dangaara leh ayaa had iyo jeer keena isku dhaca iyo muranka ka dhex aloosma bulshada kaasi oo had iyo jeer soboba khasaare badan.
Hadaba Dhacdadan u danbaysay ee ay labada Askari ku Nafwaayeen oo ay sobobtay markii dhawaantan xukun ay hore u riday maxkameda sare ay mid kamida garabada dacwadani u dhaxaysaa ka qaateen Is-Hortaag oo laga baahiyay Radio Hargeisa in dhulkaa dib loo xayiray ayaa uu Wasiirka Arimaha Guduhu isaga oo aan ixtiraamin Go’aanka Maxkameda Sare Ku amray ciidamada Nabad Galyada In loo Fuliyo Garabka Imika dhibta Gaysay Maahee Garabka Kale.
Dhinaca kale waxaa xabsiga loo taxaabay madaxdhameedka beesha dhibta gaysatay dhamantood kuwaasi ooo ay xadhiga ku weheliyaan xubno kale oo loo soo qabtay tuhunka nimanki dhibta gaystay oo aan wali lahayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen