WAJAALE NEWS

Fu’aad Aadan Cadde Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Doorka Siyaasiyiinta Khaatumo Ku Lahaayeen Socdaalka Uu Ku Tagay Dhakhtar Turkiga Ah

Stanbul(Wajaalenews)-Lataliyaha gobolada bari Madaxweyne Siilaanyo, Fu’aad Aadan Cadde, ayaa markii u horaysay ka hadlay cidda ka caawisay socdaal caafimaad oo uu ku tagay dalka Turkiga oo uu hadda ku sugan yahay, waxaanu sheegay in Xukumadda Somaliland ka bixisay lacag dhan toban kun oo dollar ($10,000), islamarkaana u soo saartay fiisaha iyo baasaboorka, halka Cali Ciise iyo Cali Khaliif Galaydh-na u fududeeyeen diyaarad qaada.

Fu’aad Aadan Cadde, waxa uu sheegay  inuu muddo isagoo lug ka jaban, haystana Lacagta iyo sharcigiii uu ku bixi lahaa haddana Hargeysa ugu xannibnaa diyaarad la’aan kadib markii diyaaradduhu diideen inay qaadaan qof jaban.

Fu’aad Aadan Cadde ayaa ku dhawaad bil iyo xogaa jabnaa isagoo Gaadhi dib ugu soo baxay ku jiidhay Madaxtooyada Somaliland islamarkaana uu ka jabay Lug.

“Adeerow Jamhuuriyadda Somaliland Madaxweynuhu wuxuu bixiyay lacagtii oo dhan 10 kun oo doolar, wasaaradda khaarajiguna waxay keentay Baasabooradii iyo Fiisihii, markaa dayuuradaha ayaa I diiday oo yidhi qof jaban ma qaadno, markaa Cali Ciise oo jooga Ethiopia ayaa ii fududeeyay Diyaaradda, Cali Ciise waa nin aanu saaxiib nahay oo isku arday ahayn tolna aanu nahay, anigu khaatumo iyo waxaas ma aqaane” ayuu yidhi Fu’aad Oo la hadlayay telefishanka Startv

Fu’aad Aadan Cadde waxa uu intaasi raaciyay “Diyaaraddaha maa la khasbi karaa saaxiib bay u baahan yihiine, in badan waxaan sugayay diyaarad I qaada oo I keenta halkan, anigoo fiisihii iyo wixii oo dhan haysta in badan waxaan Hargeysa u joogay diyaarad I soo qaada ayaan waayay, markaa Cali Khaliif baan la xidhiidhay oo yidhi Muqdisho kaalay xagan ha lagaa diree, dabeedna Inan baa ka xanuunsaday oo Maraykan buu toos u aaday, markii dambe Cali Ciise Cabdi ayaan la xidhiidhay, Cali Ciise ayaana diyaaraddaha ii soo fududeeyay oo sidaas bay diyaaraddu igu soo qaaday, adeerow anigu khaatumo lama xidhiidhin ee Nimankan isku arday baanu ahayno tol baanu nahay oo wax walba haddii siyaasad laga dhigo waa mushkilad”

Fu’aad Aadan Cadde, oo dhawaan Hargeysa diyaaradi ka qaaday ayaa la sheegay in Siyaasiyiinta Cali Khaliif iyo Cali Ciise ee Kooxda Khaatumo ka tirsani ay Hargeysa ka qaadeen islamarkaana Xukumadda Siilaanyo ku fashilantay qaadista Siyaasigaasi Madaxweynaha u ah la taliyaha.

Exit mobile version