WAJAALE NEWS

Xukumadda Somaliland Oo Xidhay Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iisaanka

Hargeysa(Wajaalenews)-Xukumadda Somaliland ayaa xabsiga dhigtay Guuleed Axmed Jaamac, oo ah Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iisaanka Somaliland oo fadhigeedu yahay Hargeysa. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xadhiga Masuulkan, hase ahaatee wararku waxay sheegayaan in loo haysto Arrinta Qisaasta ee Xukumaddu fulisay oo uu saxaafadda kala hadlay. Xuruntan Xuquuqal Iisaanka oo ah mid Madax banaan ayaa u hawl gasha sidii Heerka Xuquuqda Aadamaha kor loogu qaadi lahaa.

Xarunta Xuquuqal Iiisaanka Somaliland(Somaliland(Somaliland Human Right Center), ayaa arrintan qoraal ka soo saartay waxaanu u dhignaa sidan:-

Waxaa maanta (18.04.2015) abaaro 09:00 subaxnimo lagu xidhay maxkamada gobolka Hargeisa Guleid Ahmed Jama oo ah Gudoomiyiha Xarunta Xuquuqal Insaanka isagoo hawl maalmeedkiisa shaqo ee caadiga ahaa ku guda jira. Waxaa amarka qabashada bixiyay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeisa. Amarkaas qabashadu muu ahayn mid sababaynsan. Waxaa la qabtay iyadoo aan waaran qabasho oo maxkamadi soo saartay aanu jirin.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolku waxa uu si cad ugu xad gudbay qodobka 25aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland kaas oo dhigaya inaan qofna la xidhi karin iyadoo aan loo hayn Waaran Qabasho oo Sababaysan.

Xarunta xuquuqal Insaanku waxay si adag u cambaaraynaysaa xadhigaa sharci darada ah ee lagula kacay Gudoomiyaha Xarunta. Waxaanay ugu baaqaysaa Xaruntu Gudoomiya maxkamada Gobolka inuu si deg-deg ah xoriyadiisa ugu soo celiyo Guleid Ahmed Jama.

Ahmed Hussein Abdi

Human Rights Center

Hargeisa Somaliland

+252 2 411749

Shakuur87@hotmail.com

Exit mobile version