WAJAALE NEWS

Xilgudasho La,aanta Xukuumada xilka Haysaa Maxay ka Qabatay Adeegyadii Bulshada/Eng Da,uud

Eng Da,uud Abiib Axmed oo kamida musharaxiinta u taagan doorashada soo socota ee golaha wakiilada somaliland islamrkaan ka tartamidoona gobolka maroodi jeex ayaa xukuumada madaxwayne siilaanyo si adag ugu dhaliilay dayaca bulshada ka haysta adeegyadii dawladnimo iyo gabi ahaanba golayaasha deeganka oo iyaguna ku fashilmay hagaajinta magaalooyinkii loo doortay wuxuna yidhi,

Xukuumada madaxwayne siilaanyo hogaamiyo waxay gabi ahaanba ku fashilantay adeegyadii bulshada aas aasiga ahaa dhinac walba

xaga qashin ururinta dayaceedu waa mid kayimid xilgudasho la,aan kuwii loo doortay ah waxayna lumiyeen kalsonida dadkii soo doortay gabi ahaan golayaasha deegaanku

hadaba waxay iswaydiintu tahay xukunkii dalka ma waxa laga qandaraasay kuwa lacagta haysa? meeday wixii loo igmaday dawladu? arintaasi waxay cadaynaysaa xil gudasho la,aanta xukuumada faanka jejcel

waxa kale oo iswaydiintu tahay xukuumadu goorma ayay ka hadashaa ujawaabida mucaaridka? maxayse cadowga somaliland ugu jawaabi waydaa ilay xilkeeda ayaa ahaa in ay difaaco jiritaanka somaliland

waxa iska cad in ay marwalba ku foojigan tahay fadeexadaynta mucaaridka halka ay ku guuldaraysatay in ay cadowga la hadasho.bulshada reer somalilandna maanta ay ogtahay habacsanaanta iyo musuqmaasuqa daashaday hogaaminta siilaanyo

Dhinaca kale hadii aan ka hadlo MALE GEEL NIN MEERMEERIYA MALE LA AANBUU KA QADAA

Waayo mudo xileedki wuu dhowyahay musharax mucaaridihi ma waxbuu dib udhigi karaa taasi waa maya,

bulshada somaliland waxaan u soo jeediyanaa iyo cidkasta oo jecel hanaanka doorashoyinka in ay ku dadaalaan in aan marnaba la qaadan wax mudo kordhina aniga iyo cidkasta oo ilamid ihina waxaanu diyaar u nahay in la qabto doorasho xor ah oo xalaala.

 

Exit mobile version