Faallo – Maxamed Cumar, Weriyaha Saxafi ee Boorama
Ma jeclayn runtii inaan taataabto ama falanqeeyo arrimo la xidhiidha ururada Saxaafadda iyo gol-dalooyinkooda maadaama mihnaddaasi tahay mid mudan dhawrsoonaan, hase yeeshee marka hab-dhaqankoodu taabanayo damiirka Suxufiyiinta, dhaqanka muwaadiniinta iyo islaamnimada ayaa waxaan isku qanciyey inaan urur saxaafdeed kasta oo dalku leeyahay u caddeeyo hab-dhaqanka dheeraadka ku ah ururada Saxaafadda Somaliland, gaar ahaanna ururka soo jireenka ab ee SOLJA.
maxamed cumar suxufiSOLJA maanta kuma cusba dhegeha dadweynaha, dawladda iyo suxufiyiinta dalka iyo debedda, ee waxa uu soo maray marxalado kala duwan oo masuuliyiintiisii maanta qayb ka yihiin maamulka dalka iyo xisbiyada siyaasaddaba. Dedaalka loo soo maray SOLJA iyo xooggii la geliyey waxa uu ku salaysnaa ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta, daryeelkooda iyo tababarkooda, kuwaas oo uu waxna hawl badan ka soo qabtay, waxna ay ka sugayaan suxufiyiinta dalku.
SOLJA waxa uu hore u soo yeeshay hoggaan kala duwan, masuuliyiin kala duwan, Guddi fulineed kala duwan iyo xubno kala duwan mar walbana u badnaa hawl-wadeenada saxaafadda Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Sidoo kale ayaa SOLJA soo maray khilaafyo kala duwan iyo hirdan u dhexeeyey hoggaankiisa mar walbana xal u helidda khilaafkiisa ay ka qayb qaadan jireen muwaadiniinta, suxufiyiinta iyo masuuliyiin dawladeedba.
Marka loo dhabbo galo khilaafyadii kala duwanaa ee soo maray SOLJA, lana barbardhigo khilaafkii u dambeeyey ee hoggaanka SOLJA maanta lagu dhisay sannadkii aynu soo dhaafnay, ayaa cid kastaa ogeyd ceebihii ururkaasi sida ay bannaanka ugu soo baxeen, dadweynaha dalka iyo dawladduna ka shakiyeen sida uu mustaqbalka dalka ama siyaasadda u talo ugu darsan karo urur saxaafadeed khilaafkiisu ka mug-weyn yahay kan u dhexeeya beelaha Somalia qaarkood, dawladda iyo xisbiyada mucaaradka.
Markaan tusaale u soo qaadanno masuuliyiinta ururkaasi haatan, oo aad mooddo inay xukunka ururka ku qabsadeen dagaal ay kaga guuleysteen cadow ay lahaan jireen, ayaa dhinaca kale waxa iska caddaan ah inay sii wadaan dagaal ay ku hayaan suxufiyiin dalka qiimo ku lahaa oo ajalkii Illaahay ku yimi, kuna sii tumanayaan xaqdhawrkii iyo qaddarintii maytidaasi ku lahaayeen saxaafadda dhexdeeda.
Aqoon-isweydaarsi Boorama loogu qabtay sabtidii, uuna soo qabanqaabiyey Kooxda qabsatay hoggaanka SOLJA ayaa badi waxa ka qaybgalay suxufiyiinta ka hawlgasha gobolada kale ee dalka, halka suxufiyiinta reer Boorama oo marti loo ahaana ay ugu tiro yaraayeen. Aqoon-isweydaarsigan ayaa laga arkayey sida looga takooray ama aan tiradaba loogu soo darsan Suxufiyiinta ka soo jeeda hay’adda Warbaahineed ee uu ka soo jeeday Marxuum Maxamed-Rashiid muxmed Faarax ee Wargeyska Saxafi, kaas oo ahaa Xoghayihii Guud ee ururka SOLJA, kuna geeriyooday shil baabuur, waana wargeyska keliya ee aan cid lagaga casuumin aqoonisweydarsigaasi.
Sidoo kale ayaan aqoon-isweydaarsigaasi loogu xusin doorkiisii Saxaafadda Somaliland, taas oo iyada lafteedana aad moodo cadaawad saxaafadeed kale. Cid kasta oo garanaysa diinta iyo dadnimada ayaa og in aan maanta Maxamed-Rashiid ahayn qabiil, koox, siyaasi ama noole kale balse ahaa mid taaba-galkeeda iska lahaa Saxaafadda Madaxa banaan, loona baahnaa in SOLJA soo nooleyso taariikhdiisii, doorkiisii iyo dedaalkiisii, balse aanay ahayn inay sidan abaal uga dhigto.
Hoggaanka SOLJA maanta wuu ceebeeyey saxaafaddii, wasaaraddii Warfaafinta, dawladii iyo hay’adihii kaambaynka u galay, kumana garab taagna, kumana faraxsana in hogaanka SOLJA maanta kala qaybiyo saxaafadda, qaar soo dhaweeyo, qaarna fogeeyo, dagaalna la galaan kuwii u geeriyooday xorriyadda Saxaafadda iyo midhihii ay uga tegeen saxaafadda, xuquuqda suxufiyiintana si siman uu Hoggaanka maantu mid kastaba waajibaadka ka saaran fuliyo.