WAJAALE NEWS

Siyaasadda Arrimaha Dibadda Ee Xukuumadda Somaliland Waxay Si Dad-ban u taageertay in Xulufada Sucuudigu horkacayaa Dusha innaga garaacdo

Waxaa ka faalloonaya Dr. Mustafa M Wayrax oo wax ka qora arrimaha siyaasadda Somaliland waxay ka dhalatay rabitaanka inta badan ee dadka ku nool ka dib markii ay dagaallo isdaba joog ah oo Jabhaddii SNM ku soo qaadday gobollada maanta noqday Somaliland ay u sahleen in jabhadihii USC iyo SPM dagaal aan la filayn kaga saaraan muqdisho Madaxweynihiimarkaa talada hayay ee Maxamed Siyaad Barre kaas oo u cararay buurdhuubo halkaasna ay kaga daba tageen jabhaddii USC-garabkii General Caydiid isaga oo uga cararay dalka Kenya, [arrintaas oo aad ugu eg midda maanta ee madaxwayne Cabdi Rabbi Mansuur Hadi sida uu Sanca uga caray ee Cadan ku tegey wax yar ka dibna looga daba tegey ee uu dhinaca Sucuudiga ugu cararay]

Soomaliya waxay ka mid ahayd jaamacadda carbeed dhaqaale aad u badanna waxay xukuumaddii siyaad barre kaga heli jirtay wadamada khaliijka ee lacagta saliidda ku hodmay si ay ugu hirgeliso siyaasadaheedii qallafsanaa ee ay kula kacaysay dadkii hoos iman jiray xukunkeeda sida dadka maanta ku noolPuntland iyo Somaliland.

Tan iyo intii Somaliland ku dhawaaqday gooni isu taagga waxay jaamacadda carbeed ku haysay hagardaamo siyaasadeed iyo bahdil diblomaasiyadeed [diplomatic humiliations] waxaanay ahayd caqabadda ugu wayn ee Somaliland ugu wayday inay ictiraaf ka hesho dunida.

Iyada oo arrintu sidaas uga xuntahay jaamacadda carabta iyo Somaliland ayay dhawaan dagaallo ka qarxeen Yemen taas oo u dhaxeeya dad dhammaantood Yemeni ah. Jaamacadda carbeed oo boqortooyada Sacuudigu horkaysaa waxay dagaal ku qaadday dhinac ka mid ah dadkii yemen isku hayay.

Isla markii duullaanka uu sacuudigu horkacayaa bilaabmay laba toddobaad ka hor Madaxwaynaha Somaliland Mudane Maxamed Axmed Maxamuud Wuxuu ku dhawaaqay in xukuumaddiisu taageersantahay xulufada sacuudiga, wasiirka duulista hawada ee Somaliland oo VOA waraysatay April 9th,2015ka wuxuu ku sababeeyay in sababta Somaliland u taageerayso xulufada Sacuudigu ay tahay iyada oo aynu kasoo horjeedno nabad-diidka iyo argagaxisada oo uu ula jeedo darafka xuutiyiinta iyo askartii daacadda u ahayd taliskii cabdalla saalax ee xoogga lagaga saaray qasrigii madaxtooyada Yemen 2012kii.

Markaa waxaa iswaydiin leh:-

1.taariikhda gooni isu taagga Somaliland ma’ lasafankaraa madaxweyne jaamacadda carbeed ka tirsan oo dadkiisu xoog kaga saareen qasrigii uu fadhiyay sidii aynu uga saarnay siyaad barre

2.haddii dadka dagaalka ku qaaday madaxweyne ay saluugeen xukunkiisu ay noqdaan nabad-diid maxay noqonaysaa ciddii kala goysay dalkii Somaliya oo ah xukuumadda Somaliland.

3.Marka madaxda Somalilandtaageerayso inaan madaxda carbeed xoog lagu beddelin miyay illawsanyihiin aragtida jaamacadda carbeed ka qabto gooni isu’ taagga Somaliland oo ka sii fog ta sucuudigu ka qabo cali cabdalle saalax iyo xuutiyiinta maxayse u taqaannaa halgankii qadhaadhaa ee aynu u soo marray qaddiyaddeenna gooni isu taagga.

4.Haddii cid sideennii lagar marinwaayay oo ka tirsan dadka jaamacadda carbeed miyaanay u bannaanayn inay qoriga qaataan oo ilaahay la kaashadaansideennii ma innagaa nabad-diid ahayn, miyaanayse xaq u lahayn taageeradeenna mabda’ ahaan bal hakaa joogtaba inaad maal iyo naf ku taageerto’e [waa gacanta midig’uun waxay gobi u aydaa/`Xaaji Dallaayad alle ha u naxariistee ayaa laga dhaxlay]

Marka su’aalahan la’eego miyaanay siyaasadda siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland horseed u noqonayn in xulufada carbeed innagu soo duusho iyadoo la innoo haysto kuwii somaliya kala gooyay?

Arrintani waxay muujinaysaa inaanay Somaliland lahayn Siyaasad cad oo ku salaysan danaheeda dibadda. Haddii aragtidan ku salaysan macquulka siyaasadda [the logic of politics] wax ka duwan ay xukuumaddu ogtahay ha usoo bandhigto dadka xataa hadday le’egtahay inta maatida lagu sabo waxay noo sheegaysaa halka aynu iskala jaanqaadnay innaga iyo jaamacadda carbeed oo aan ogahay inaanay deeqayn wax aan ahayn Somaliland oo ka tanaasulaysa gooni isutaagga.

Qalinkii:- Dr. Mustafa M Wayrax

Aqoon-yahan Falnqeeya oo wax ka qora arrimaha siyaasadda

Exit mobile version