HARGAYSA(W,N) Hore Waxaynu u ogayn Inay wasaaradda Gaadiidku dakhli hor leh ku soo kordhisay shacabka la tacaalaya sicir bararka iyo nolosha adag oo qarkood saddexda wakhti hal wakhti uun dabka shitaan.
Wasaaradda gaadiidku waxay amartay in shacabku Gaadiidkii hore ee ay wateen muddo lix bilood ah ku bedelaan Numbarkii hore ee isla dawladu uuni ka iibisay, isla markaana numbar kale oo cusub qaataan, taas oo uu wasiirku warbaahinta ka sheegay inay lacagtaasi tahay lixdan dollar, haseyeeshee dadkii markii ay Amarkii qaateen Ee Ay doonteen inay numbarka cusub qaataan loo sheegay qiimo ka duwan tii wasiirku sheegay oo ah boqol iyo shan iyo toban dollar inay bixiyaan, markii dadkii waydiiyeen sababta loo kordhiyey lacagtii uu wasiirku sheegay, haseyeeshe wax dadkii qanciya aan loogu jawaabin oo qaarkood yidhaahdeen “wasiirku dadkuu ka baqday inay ku kaceen sidaas buu qiimaha hoos ugu dhigay laakiin qiimaha dhabta ah waa boqol iyo shan iyo toban dollar”, taasi oo dadkii jahawareer ku riday oo mid saxsan garan waayeen.
Marka arrintaasi hirgashay, waxa uu wasiirku mar kale soo wadaa oo la daahfurayaa mashruuc kale oo dakhli badan ku helayso wasaaraddu, taas oo ah in dadkii liisamada hore u qaatay dib imtixaan looga qaadayo, si liisamo cusub oo dirawalnimo loo qaato, arrintaasina waxa ku hoos jirta in dakhli cusub ka helaan.
Liisanka dirawalka waa sideetan dollar, dadkii hore u qaatay ee mudada badan haystay ee hore ubixiyey lacagtan wuxuu la mid yahay uun ka cusub ee hada qaadanaya, ujeedaduna waa sidii lacag loo heli lahaa.
Odoroska miisaaniyadii 2018 kii kuma jirin labadan dakhli mid koodna, balse waa miisaaniyad garab socota miisaaniyadii hore loo ansixiyey, waana il dakhli oo cusub oo dawladana cusubi ku rabto dakhli cusub.
Arrintaasi waxay ka dhigan tahay wasaarada waxbarashada oo iyaduna tidhaahda wixii shahaado dugsi sare haysta mar kale imtixaan ha galaan oo shahaado cusub ha la siiyo, iyadoo shahaadda cusubna lagu qaadanayo lacag.
Wasaaradda Gaadiidku talaabooyinka ay qaadayso waa mid dadka si toos ah u taabanaya, oo marna numbar cusub iyo buug cusub laga iibinayo marna liisan cusub laga iibiyo.
Wasiirku hadii uu dadka wax u qabanayo xafiiska ku dhex yaalla wasaarada Gaadiidka ee dadka liisanka qaadanayo lagu qasbo inay waraaqda dhiiga iyo indhaha ka qaataan xafiiskaasi oo kaliya ha laga qabto, waayo qofka waxa laga rabaa inuu dhakhtar ka soo xaqiijiyo caafimaadkiisa indhaha iyo nooca dhiigiisa, laakiin xaq looguma lahaa dhakhtar baan ka dhex furanayaa wasaarada oo taas kooto ha loogu xidho waraaqaha caafimaadka wax caqli gal ah maaha, dad badan oo waraaqo dhakhtarka weyn ka qaatay ayaa la diiday waxayna ku qasbanaadeen inay dhakhtarkan wasaaradda laga dhex furtay ka qaataan waraaqda caafimaadka.
Hadii waraaqda caafimaadka ee dhakhtarka weyn laga qaadanayo iyo kan xafiiska wasaarada ku dhexyaala isku qiimo yihiin dhibaato may ahaateen, balse waa kala qiimo oo waxa lacag dheeraad ah ka qaadaya dhakhtarkan kootadda wasaarada loogu xidhay, oo tusaale ahaan dhakhtarka weyn waraaqda caafimaadkiisu waa shan dollar, halka dhakhtarkan wasaarada laga dhex furey toban dollar ka yahay.
Dhibaatada jirtaa waxay tahay wasaarad walba waxay raadinaysa sidii dakhli cusub usoo saari lahayd, garan maayo in wasaaradaha lagu qasbay iyo inay iyagu wax qabad ka dhiganayaan, inta laga fikirayo dakhli cusub in la helo waxa ka fiican in dakhligii hore u jiri jiray dadka wax loogu qabto si loo arko wixii la bixiyey inay meeshii ku haboonayd gashay iyo in kale, markaasa mid cusub la raadiyaa.
WARIYE : Barkhad-Ladiif Maxamed Cumar.
HARGAYSA SOMALILAND