HARGAYSA(Wajaalenews) Shir balaadhan oo lagaga hadlaayay cimilada dunida iyo dikhawga hawada ayaa oo la yidhaa AFRICAN CARBON FORUM 2015 ahna shirkii 7 baad ee noocan ah wuxuuna ka dhacay magaalo la yidhaa MARAKECH oo ku taala dalka marooco.wuxuu bilaabmay 22 bisha wuxuna dhamaaday 26 bishan’
Shirkan oo ku saabsan isbedelka cimilada dunida iyo sidii loo yarayn lahaa carboonka ama dikhowga hawada .
Shirkan waxaa marti galiyey boqortooyada morooco . waana markii sedexaad waxaana ka qayb galay Sacad mohamoud jibril oo agaasime ka ah Somaliland energy for sustainable development organization oo kamida ururada bulshada jamhuuriyada Somaliland kana shaqeeya Ka shaqeeya tamarta dabiiciga ah iyo ilaalinta deegaanka .
Shirkan ayaa ahaa shir aad ugu muhiima guud ahaan qaarada African gaar ahaan Somaliland oo ka mida dalalka dunida ku yaala kuwa ay saamayta ugu badan ku leedahay isbedelka cimilada dunidu .
shirkan waxaa ka soo qayb galay madax badan oo dunida ka kale socday
Sacad MJ Kahin
Director General of SESDO
Mob:4728271
info@sesdo.org