WAJAALE NEWS

Safiirka Itoobiya U Fadhiya Hargeysa Oo Ka Hadlay Mawqifka Dawladdiisa Ee Gaadhiga Lala Galay Ethiopia iyo Suldaan Wabar

Hargeysa(Wajaalenews) Safiirka dawladda Federalka Ethiopia u fadhiya Hargeysa, General Berha Tesfaye, ayaa sheegay in gaadhiga Wasaaradda Maaliyadda Somaliland leedahay ee Ethiopia lala galay yahay mid masuuliyiinta Somaliland dayacday. Waxa uu sidoo kale sheegay in Ethiopia Suldaan Wabar u sheegtay inuu nabad ku joogo dalka Ethiopia hadduu fawdo wadana gudaha Somaliland yimaado

“Arrinka gaadhigaas la sheegay in darawalkii qoyskiisa ku geeyay gudaha Itoobiya, waa dayacaad ka timid Masuuliyiinta qaabilsan maamulka gaadiidka, sidaasna waan u sheegay masuuliyiin Somaliland ah oo igala soo xidhiidhay arrinkaasi” ayuu yidhi Safiirka Itoobiya, isagoo la waydiiyay In Itoobiya gacan ka gaysanayso soo celinta gaadhigaasna waxa uu ku jawaabay “Arrinka gaadhiga waan kuu sheegay”

Safiirka Itoobiya ayaa sidoo kale ka hadlay Suldaanka Somaliland ka falaagoobay ee ku sugan Itoobiya “Ninkaas(Wabar) si cad ayay masuuliyiinta dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ugu sheegeen inaanu xasilooni darro kaga abaabuli Karin Somaliland gudaha Itoobiya. Hadduu doonayo inuu dagaalamo ha tago gudaha Somaliland haddii kalena Nabadgalyo ha ku joogo Somaliland”

Masuulkan Itoobiya u jooga Hargeysa, ayaa sheegay in Mawqifka Ismaamulka Soomaalidu ka taagan yahay Suldaan Wabar, xukumadda dhexe ee Itoobiyana la qabto, islamarkaana ay sidaasi ula socodsiiyeen dawladda Somaliland.

Hadalka Safiirka ayaa imanaya maalmo uun ka dib markii Masuuliyiin Somaliland ahi sheegeen inay dawladda Somaliland kala hadleen arrinta Gaadhigaasi islamarkaana Ciidamada Somaliland ku hawlan yihiin helistiisa.

Source-Wargeyska Himilo

 

Exit mobile version