Madaxwayne tan iyo intii ay soo baxday digreegtadii aad xilka kaga qaaday gudoomiyihii maxkamada sare yuusuf ismaaciil cali waxa soo baxaya loolan adag oo ka dhex aloosan aqoonyahan sharciga dhexdiisa
hadal haynta wakhtigan ee buuxinta jaganadan hadii ay golayaasha baarlaanku meel mariyaan ama kugu raacaan xilka qaadista gudoomiyihii maxkamada sare waxa haboon inaad qaadato tallooyinka dadka jecel cadaalada waxaana haboon inaad waaxda garsoorka ka dhawrto qabyaalada maadaama aad jeceshahay toosinta cadaalada ee dalka.
Waxaana haatan dadka qaarkood tilmaameen in lagu saleeyo buuxinta jagadan saami qaybsi gobo lama beel taasi ah mid aan dan u ahayn toosinta cadaalada mana ah mid ku haboon inaad ka fekerto bee ama gobol ee aad ka fekero cadaalad
raga haaatan la hadal hayaa ee aadan xaaji cai maxamed jaamac cabdi iyo qareen maxamed maxamuud xaashi waa dad buuxin kara hanashada jagadaasi laakiin iyaga laftooda hadii aad ku xulato reer ama gobol waa mid xakame iyo xadhig ku ah toosinta cadaalada ee aad ka dhawaajisay waxayse haboon inay xulashadaadu salka ku hayso hankii aad ku abuurtay dhalinyarada ee inay qaban karaan mansab sare oo ka mid ah golayaasha qaranka iyo dhiirigalinta dhalinyarada dalka wax kabaratay inaad u magacawdo jagadaasi aqoon sharci oo ka mid ah dhalinyarada ku sugan bahda garsoorka dhexdiisa.
Waayo waxa loo baahanyahay dhiirigalin ku salaysan in la lexejeceelyo aqoonyahanada da,da yare ee ka niyad jabay dalkooda ee u arka inay laga doorbiday qurbe joog siyaasi qabiil
Muwaadin hibo xuseen cali