WAJAALE NEWS

Maamul Goboleedka Puntland oo ku Hanjabtay inay Awood Kasta Kula Wareegayaan Gobolada Sool iyo Sanaag

“Puntland Jiri mayso haddaan lasoo celin gobolka Sool waa Waajib muqaddis ah, wakhtigeeday qaadanaysaa laakiin waa ballan inaan soo celino,”

Garoowe,(Wajaalenews) Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay khudbad ka jeediyey Jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe ayaa sheegay in Waajib muqaddis ah ay Puntland ku tahay wax uu ugu yeedhay soo celinta gobolka Sool oo uu ku dhaartay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inaanay marnaba gorgortan kala geli doonin deegaamda ay ka haysato Somaliland, mar uu ka hadlayey waxuu yidhi, “Waxaan qorshaynayaa sidii aanu u soo celin lahayn labada gobol Sool iyo Cayn wax kastoo ay nagu qaadanayso. Waxaanan diyaar u nahay difaaca xuduudahena.”

Khudbad sannadeed uu shalay Madaxweyne Gaas ka jeediyey magaalada Garoowe ayaa markuu dhameeyey, su’aal laga weydiiyey Sool, Sanaag iyo Cayn, waxuu sheegay inay yihiin lafdhabarta Puntland, isla markaana soo celintoodu waajib muqadas ah ku tahay, waxaanu yidhi, “Sool, Sanaag iyo Cayn waa laf dhabarta Puntland, Puntland Jiri mayso haddaan lasoo celin gobolka Sool waa Waajib muqaddis ah, Dastuurkaana ku dhaaranay baa qoraya wakhtigeeday qaadanaysa laakiin waa ballan inaan soo celino,” ayuu yidhi Gaas.

Hadalkan Mr. Gaas ayaa u muuqda mid uu kaga jawaabayo hadalkii Madaxweyne Siilanyo dhowaan ku sheegay khudbadiisii labada golle inuu aqbalay raaligelin madaxweynaha Puntland ka bixiyey eedo masuuliyiin ka tirsan maamulkiisu u soo jeediyeen Somaliland.

Exit mobile version