WAJAALE NEWS

HANKA DHALINYARTA SOMALILAND;Qalinkii Khadar Cige

Inkastoo ay jiraan xeerar iyo sharciyo dabraya ka qaybgalka dhalinyarta ee talada dalka, hadana dhalinyartu waxay dareensan yihiin inay leeyihiin karti iyo aqoon ay ku hagi karaan xukuumad kasta oo dalka ka ariminaysa oo ku timaada nidaam sharci ah.

Balse waxaa laf dhuun gashay ku noqday arimo fara badan oo aanay ka tamarin Karin oo ay ka mid yihiin

  1. Abaabul la,aan
  2. Dhaqaale daro
  3. Sharciyo xadidaya ka qayb galkooda
  4. Shaqo la,aan baahsan
  5. Balwado la hadhay intooda badan kana dhigay fadhiid

Hadaan u soo noqdo qodobadan kor ku xusan waxaa loo baahan yay inay dhalinyartu is abaabulaan oo ay samaystaan ururo ay ku midaysan yihiin oo ka soo bilaabma xaafad kasta oo ka mid ah magaalooyinka Somaliland ku yaal, una gudbaan inay u midoobaan dagmooyin taas oo horseedaysa urur xoogan oo ah dhalinyar aqoon iyo karti leh oo ka madhan falal kasta oo lidi ku ah sharciga iyo nidaamka dalka u yaala iyo maslaxada caamka ah.

Si ay awood ugu helaan inay maamulka jira ugu dhiiriyaan horumarinta dhalinyarta ka soo socdana ay iyagu gacantooda ugu keenaan ka dantooda wada ee ay u arkaan inuu soo dhawaynayo waxna ka badalayo wixii hore u jiray.

Fikir ahaan ururkaasi waxaa fiicnaan lahayd inuu yeesho qaab dhismeed ka kooban sidan hoos ku qoran

  1. Gudoomiye
  2. Gudoomiye Ku Xigeen
  3. Xog Haye
  4. Madaxa Laanta Wax Barasha
  5. Madaxa Laanta Nabad Galyada oo Hoos taga Wasaarada Arimaha Gudaha
  6. Madaxa Laanta Caafimaadka
  7. Madaxa Laanta Shaqo Abuurka Iyo Abaabulka Dhalinyarta
  8. Xisaabiye
  9. Qasnaji
  10. Gole Dhexe (General Assembly) Oo ay ku jiraan dhamaan xubno matalaya Gobol walba iyo Dagmo Walba oo Somaliland Ku taal oo ka kooban 265

Inkastoo ay jiraan dad iga aqoon badan intan aan qoray waa intii uu itaal I baday wixii kale ee aan garan waayey ama aan il duufayna walaaladay ayaa ku dari doona.

Hadaba si looga baxo dhaqaale la,aanta dhalinyarta haysata waxaynu ognay in bulshada Somaliland lagu qiyaasay 3Milyan Dhalinyartuna ay tahay boqolkiiba 70% oo u dhigma 2100,000 (Laba Milyan iyo Boqol Kun) hadaba hadii ay dhamaantood ku soo biiraan ururka kana qayb qaataan qaadhaan bixin dhan $1 bishiiba waxay noqonaysaa $2100,000 taas oo sanadkii noqonaysa $25,200,000( Shan iyo labaatan Milyan iyo Laba boqol oo kun oo doolar) Bal ka warama awooda ay leeyihiin dhalinyartu hadii ay cududooda mideeyaan oo ay u adeegsadaan dhinaca wanaagsan waxay furan karaan

  1. Warshado fara badan oo ay ka shaqo galaan kumanaan dhalinyaro ah
  2. Goobo Ganacsi
  3. Jaamacado Bilaash ah
  4. Xisbiyo Ku Loolama talada dalka oo ka horqaada caqabadaha sharciga ee haysta oo ay majaraha u hayaan dhalinyaro aqoon yahano ah.

Dhanka Kale si sharciyadaa looga gudbo waa inay dhalinyaradu sameeyaan Buug Wayn oo lagu ururiyo Tirsi , Magaca, Dada, Goobta Shaqo ,Taleefanka ,Saxeexa Iyo Faahfaahin kaas oo lagu wareejiyo dhamaan gobolada , Dagmooyinka iyo Tuulooyinka Somaliland oo ay saxeexaan dhamaan Bulshada Somaliland oo ay dhalinyartu hormood ka tahay dabadeedna la horgeeyo Golaha Baarlamaanka Gaar ahaan waaxda Arimaha Bulsha Iyo Xuquuqul Insaanka Si looga Dhigo Mooshin Kaas oo ay dhalinyartu Doonayso in Qodobka Ka qayb Galka Siyaasada Lagu soo Ururiyo Dada 18 Jir ( Hadaad Ka yaabtay inuu wax qaban karo Dib U raac Taariikhdii Salafka).

MUUQAALKA GUUD EE WARAAQDA BUUGA

DAD IYO WEEL GODANBA WAA LA BADSADAA

Tirsi Magaca Dada Goobta Shaqo Taleefanka Saxeexa Faahfaahin
1

Shaqo la,aantu maaha wax wayn oo aanay dadku ka bixi Karin ama aan dhaqaale loo helayn balse waxay u baahantay in la helo karti iyo fikiro caafimaad qaba oo lagu habaynayo dhaqaalaha yar ee ina soo galaya iyadoo laga shaqaysiinayo fikirada ay dhalinyartu hayaan iyo kartida ku jirta gaar ahaan dhanka Hir galinta dhaqaale abuurka iyo samaynta ganacsiyo yar yar oo ku dhisan fikir caafimaad qaba iyo isla xisaabtan dhab ah oo ku kormeerayso hadba xukuumada talada dalka haysaa.

Balwadu waa shayga kaliya ee halkan soo gaadhsiiyey inay dhalinyartu doonan waydo wixii ay xaq u lahaayeen waayo intii garbaha u ahayd intan dareensan dhibtu waa kuwa marba xaalad ku jira ama aan doonaynba inay dhulka hooyo sii joogaan oo ay yurub u caday kuna han wayn sidii ay u tagi lahaayeen wadamo qalaad.

Waxaa igu Soo noqnoqda mar walba Tixdii Ismaaciil Mire ee uu Inankiisa ku waaninayey ee uu lahaa

Kugu xiiqay sidaan kuu lahaa, xaaxiyahay Toose

Xiniin Yoolihii Kula Sinaa, Xoogsibuu Tagaye

Xag Uun Labada, Daarood ku Daran Ha is xakabin meele

 

 

 

 

Exit mobile version