Dawladda Somaliland Halkii Laga Filayay inay horumar iyo koboc dhaqaale keento, waxa ay banjarinaysaa danyarta iyo Dadka hal abuurka la yimid, Gawaadhida Vitz ahi waa Gawaadhi ka mid ah gaadiidka baaxadda wayn ee ka dhex Shaqeeya magaalada hargeysa, waxaana ku shaqaysta Dhalinyaro farabadan oo ay dawo uga noqotay tahriibkii iyo shaqo la,aantii baahsanayd, Shirkadda Dhaweeye ayaa iyaduna keentay hal abuur cusub oo ay iskugu xidhayso dhalinyartaasi iyo dadka baahi u qaba adeegaasi iyagoo keenay application kaasi oo qofka iyo dirawalkiiba siinaya masaafada uu jaray iyo qiimahaba. Shirkadaasi waxaa barbar socda inta muwaadin ee masruuf iyo quutal daruurigooda ka hela, dadku baskaasi dheer ee 30 qof qaadaya way ku dhibanaayeen, kaba soo qaad qof shaqo laga rabo oo kalahayay ma sawiran kartaa inta uu bas dhex fadhiyayo ee wakhtigiisii ka lumay, hase ahaatee Vitztu waxay u sahlaysa in dadka dano gaar ah oo degdeg ah leh ay u fududayso. Waxa kale oo dhici jirtay intaanay Vitztu iman in dadka lacag qaali ah laga qaadi jiray markay muraadkooda inay soo qabsadaan rabaan. Way jiraan dhaqan xumo farabadan oo barbar socdaa, hadday tahay qaaditaanka daroogooyinka noocyadooda kala duwan iyo dhaqan xumooyin kale oo barbar socda, dunida aan ku noolnahayna ma jirto waxaan faa’iido iyo khasaare wadan, caqliga caafimaadka qabaase waxa uu isku miisaamaa labadaasi markaasuu awoodda saaraa ka badan, Vitzyada in la diiwaangaliyo oo la nidaamiyo waxaa iska leh dawladda hoose ee hargeysa,
go,aanka ay xukuumaddu ku soo saartay mamnuucitaanka soo dejinta Vitztu maaha mid ay ka fiirsatay Dhawr sababoodba awgood? Waa mide dhaqaalaha ay ka soo xereeyaan gawaadhidaasi iyo cashuurtooda may eegin, cashuurta Vitztu marki iigu danbaysay waxay ahayd 1600 oo doolar, intaa waxaa u dheer lacagahan; 1. 115 dollar waa numbarka la bedelayo. 2.kala wareejinta baabuurka 99 dollar. 3. Badqabka baabuurta 20 dollar. 4. Bedelka liisaamada ; dhamaan liisamadii dawladihii hore waa la bedelayaa C. 700,000 shsl. B. 500,000 SHSL. 5. Buugga imtixaanka 50,000 shsl. 6. qalabka xawaaraha baabuurta safarka 120 dollar. 7, hadii imika uu kaa lumo liisanku 500,000shsl. 8. haddii buugu kaa lumo 600,000 Slsh.. 9. Waraaqda indhaha 12 dollar . 10. Over time wax loo bixiyey 12 dollar. 11 waddo marista oo oo ku qiimaysan nooca gaadiidku yahay. Laba umay danayn bulshada iyo muwaadiniinta danaha gaarka ah sida, dhakhtar, dugsi iyo dan kale oo gaar ah ku tagaya? Ta saddexaad waa faynuus oo miskiinka aan waxba haysan danihiisa ayuu ku dhamaystaa, markaa ma waxay rabtaa xukuumaddu inay ciqaabto oo ay nolosha ku cidhiidhiso muwaadinkeeda? Hadaba Xukuumaddu ma maayarkan fashilmay ee tahli kari waayay inuu waddooyinka caasimada hagaajiyo, Vitzyadan ay ku degdegayaan wasiiraduna nidaam u sameeyo ayaa laga baqayaa? Mise madaxwaynahaan waxba ogayn? Ma wuxuu kari laayahay inuu dadka ka qabto mise Maayarkaa dayn ku leh madaxwaynaha (markaad u kuurgasho siduu ugu habranayo)? Xan kalana way jirta oo ah in shidaalka ay gacanta ku dhigeen qoyska madaxwaynuhu, Vitztuna ay isticmaasho shidaal yar markaa waa in laga saaraa meesha si ay u bedelaan gawaadhi shidaal badan isticmaali karta oo laga shaqaysan karo Waase nasiib daradda ku dhacday bulshada Somaliland oo aha bulsho aan xisaabtamin, qabiilka iyo qudhunku ka xoog batay, aan iska dhicin Karin dulmiga lagu hayo, Dawladdii Riyaale markay la wareegayeen waxay sheegeen in 40 Milyan oo dollar oo dayn ah ay kala wareegeen, isla kuwii sidaasi yidhi ayuu wasiirkii Maaliyaddu baarlamaanka ka hor sheegay 80 Milyan oo dayn ah inay jirto? Xukuumaddana waynu u joognaa waxay dayn inagaga tagto iyo waxay hanta lunsataba
QALINKII; Mohamed Ali Yusuf (Alja)
Mainz Germany
Moaliyusuf133@gmail.com