WAJAALE NEWS

Guurtida Oo Markii U Horaysay Iska Difaacday Dhaliisha Mucaaridka

Hargeysa(Wajaalenews)-Gudoomiye xigeenka Golaha guurtida Somaliland, Siciid Jaamac Cali, ayaa markii u horaysay si adag uga jawaabay Dhaliilo Madasha wadatashiga uga yimid Xildhibaanada Golaha guurtida, waxaanu sheegay in Eedahaasi aanay qabin Mudaneyaashu.

Gudoomiyaha Madasha wadatashiga Mujaahid Xasan Guure, ayaa dhawaan sheegay in Hal doorkii Guurtida lagu aasaasay ka dhamaaday islamarkaana in yar mooyaane inta kale ku timid Dhaxal. Waxa uu sheegay in Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Badiba Guurtidu yihiin dhaxal. waxa uu wax ka sheegay garashada Mudaneyaasha.

Gudoomiye Siciid Jaamac Cali Ayaa ugu horayn ka hadlay Odayaasha Madasha “Waa Odayaal Siyaasiyiin ah Oo Mujaahidiin ah, oo sidaad ogtihiin dalka wax badan u soo qabtay, laakiin, maaha Hay’ad dhinaca sharciga inoogu jirta. Maadaama ay Odayaashu yihiin Odayaashii dalkana, waxaa wanaagsan inay Qawlkooda, Taladooda iyo ficiladoodu siday siyaasiyiinta u yihiin ula jaanqaadaan” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenku.

Mudane Siciid Jaamac Cali Waxa uu intaasi raaciyay “Aad iyo aad baan uga xumahay Rag siyaasiyiin ah oo dalka xilal iyo mustaqbal ka doonayaa, iyagoon gaadhin inay isa sii fasakhaan”.

Gudoomiye xigeenku waxa uu ka hadlay Karaamada Aqalka Guurtida “Golaha guurtidu waa Hay’ad sharci ah oo ixtiraamkeeda leh. Xubinta Golaha guurtida ahi ama ha yaraato ama ha weynaato ee kol haddii loo dhaariyo Xildhibaan ahaan waxay mudan tahay Maamuuskeeda iyo xasaanadeeda, in lagu gafana maaha” ayuu yidhi Mudane Siciid.

Gudoomiye xigeenku waxa uu intaasi raaciyay “Goluhu ama dhaxal ha ahaado ama si kale ha ku soo galo, dadkoo dhan baa wada dhaxal ah, waxaa aad cuqaal arkaysaan iyo Salaadiinta ayaa wada dhaxal ah. Markaa mudanuhu qaab kasta ha ku yimaadee Sharciyad uun buu ku yimaadaa”

Gudoomiye xigeenku waxa uu difaacay Caafimaad qabka jid iyo Maskaxeed ee Mudaneyaasha Guurtida “Mudane kasta intaan la dhaarin waxaa la soo mariyaa Caafimaadka.Markaynu leenahay Dad baa waalan ma waxaynu leenahay Hay’addaha Caafimaadka ayaa been sheegaya?. Mudanuhu intii aan la dhaarin warqadda dambi la’aanta iyo warqadda Caafimaadka ayuu keenaa, labadaas markuu keeno ayaa dhaarta loo diraa. Waxaanu u dirnaa Dhakhtarka weyn oo soo qoray in Caafimaadkiisa Jidh ahaan iyo Maskaxaan ba ay caafimaad qabaan oo sax yahay Mudane kasta, Yaa Markaas been sheegaya?.

Annagu halkan kumaanu arag dad dhimirka wax ka qaba, taasi waa ceeb oo waa cay. Odayaasha annagu odhan mayno qaar waalan baa idinku jira ama qaar khalkhalay baa idinku jira oo Odayaal baad tihiin Ixtiraam naga mudan, markaa sidaas la idiin ixtiraamayo u ixtiraama Golaha”

 

Exit mobile version