WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Farriin Ku Aadan Maalinta Shaqaalaha Adduunka U Diray Shaqaalaha Dawladda Somaliland

Hargeysa (Wajaalenews) Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland Maxamed Mixile Boqore ayaa farriin ku aadan maalinta shaqaalaha adduunka oo ku beegan 1-da bisha May u diray u diray shaqaalaha dawladda Somaliland qaybaheeda kala duwan,waxaana uu guddoomiyaha hay’adda shaqaalahu farriin ugu diray shaqaalaha dawladda in bisha May Labadeeda ay shaqaalaha dawladda fasax ahaanayaan, maadaama Kowda bisha May ay ku beegantay maalin Jimce ah mr.Mixile oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa yidhi;

“waxaan halkan idiinku yeedhay haddaad tihiin warbaahinta dalka in farriin aan u dirayo shaqaalaha dawladda waaxyaheeda kala duwan aad shaashadaha ka fidisaan,bisha May Kowdeeda caadiyan fasax baynu leenahay waa maalinta shaqaalaha adduunka oo inaguna aanu ka mid nahay,markaa maalintii baa waxay ku dhacday Jimce,Jimcuhuna waa fasaxii Toddobaadlaha ahaa ee shaqaalahu lahaa,sidaa daraadeed waxaan Dhammaan shaqaalaha dawladda ee wasaaradaha iyo hay’addaha dawliga ah aan u sheegayaa in faxasii maalinta Kowda May aanu ugu badalnay Labada May oo Sabtida ah,Sabtida shaqaalaha dawladda ee hay’addaha dawladdu waa fasax haddii Eebbe idmi. Waxa la soo noqonayaa maalinta Axada ah sidaa hala ogaado,madaxda hay’addaha dawladdu waa inay la socdaan in maalinta Sabtidu fasax tahay,Axadana lasoo noqonayo”

Dhanka kale guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland waxa uu hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha adduunka u diray Dhammaan shaqaalaha dawladda meelkasta oo ay joogaan,waxaana isagoo ka hadalya uu yidhi “waxaan halkan hambalyo uga dirayaa Dhammaan shaqaalaha dawladda Somaliland meel kasta oo ay joogaan dal iyo guddaba,waxaanan munaasibada Kowda May awgeed u dirayaa hambalyo shaqaalaha iyo xaasaskoodaba,waxaanan leeyay Illaahay ha idinku gaadhsiiyo sannadkaas Sannadkiisa bash-bash iyo barwaaqo” ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland

Exit mobile version