WAJAALE NEWS

Dawladda Kenya Oo Xayiraad Ku Soo Rogtay 13 Xawaladood Iyo 86-Shakhsi. Akhriso Liiska.

HARGEISA(Wajaalenews) Iyadoo dawlada Kenya ay xayiraad ku soo rogtay akoonada bangiyada 13-xawaaladood iyo 86 ruux lagu eedeeyay inay taageeraan Al-Shabaab ayaa waxaa durba arrintan ay saameyn ku yeelatay shirkadaha xawaaladaha ee adeegyada u fidin jiray dadka Soomaaliyeed.

Xawaaladaha la xanibay oo maanta albaabada la isugu dhiftay ayaa waxaa ka mid ah Dahabshiil, Amal, Amaana, Bakaal, Iftin iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxaa la xanibay akoonada bangiyada ay ku leeyihiin shaqsiyaad kala duwan oo isugu jira Culumaa’udiin, Ganacsato iyo shirkado kala duwan oo Kenyan iyo Soomaali isugu jira.

Warbaahinta gudaha Kenya ayaa durbaba soo bandhigay liiska shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ee la xayiray iyo shaqsiyaadka ka kooban 86-da ruux ee akoonadooda la fariisiyay.

Dadka akoonadooda la xanibay ayaa waxaa ku jira Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo horay u riddiyay fikradaha Al-Shabaab, isla markaana aad u cambaareyn jiray weerarada ay ka geysteen Soomaaliya iyo Kenya. Hadaba liiska shirkadaha xawaaladaha iyo akoonada shaqsiyaad ay ku leeyihiin Bankiyada ayaa waxay kala yihiin sida tan:-

 

Exit mobile version