WAJAALE NEWS

Dawladda Jabuuti Oo Lagu Eedeeyay Inay Maxaabiis U Gudbisay Maraykanka iyo Waddamada Ay Ka Soo Jeedaan Oo Somaliland Ku Jirto

Hargeysa(Wajaalenews)Ururo aan dowli aheyn ayaa ku eedeeyay Dawladda Djibouti inay ku lug leeyihiin afduubka dad la tuhmay. Waxay sheegayaan in dawladda Jabuuti dalkeeda ku qabatay dad la tuhmay kadibna u gudbiso dalka Maraykanka.

Waxay sheegayaan in lix ruux lagu xidhay laguna jidhdilay Djibouti ka hor intii aan loo gudbin xabsiyada Mareykanka ee Afganaistan iyo Guantanamo Bay.

Ururada oo kala ah isu tagga cadaaladda, Haki Africa iyo guddiga qareenada caalamiga ayaa baadhay door la sheegay in Djibouti ay ku laheyd muddadii Mareykanka ay dowladuhu dadka la tuhmay u afduubeen ee u dhexeysay 2001 iyo 2008, xilligaasi uu jiray dagaalka argagixisada ee maamulkii Bush.

Warbixintooda ayey ku sheegeen in Djibouti ay si qarsoodi ah u xidheen ugu yaran lix ruux oo loo diiday in wax xidhiidh ah ay cid kale la sameeyaan iyagoo la jidhdilay, si liidatana loola dhaqmay.

Dhibanayaasha ayaa la sheegay inay ahaayeen dad ka yimid Somaliland, Kenya, Tanzania iyo Yemen.

Warbixinta oo lagu sheegay in maxaabiista loo diiday inay la xidhiidhaan qareenada ayaa ku eedeyneysa Djibouti inay u ogolaatay sirdoonka shisheeyaha inay su’aalo weydiiyaan maxaabiista taas oo jabineysa qeynuunka caalamiga.

Warbixinta ayaa ugu baaqday guddiga xuquuqda aadanaha ee Africa inay wadahadal la yeesheen Djibouti oo lagu go’aansanayo inta xadgudubka uu la egyahay. Waxayna ku adkeysay dalkaasi inuu soo bandhigo magacyada dhibanayaasha iyo halka ay ku dambeeyeen, waxayna ugu baaqeen inay raaligelin ka bixiso, magdhawna siiso kuwa loo geystay dhibka si loo xaqiijiyo in xaq daradaasi aanay markale dhicin.

 

Exit mobile version