GABAY DUCO BAROOR-DIIQ
Magaca: Buhaankii lawada raacsanaa
Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile oo ugu baroor-diiqaya marxuum Diiriye oo Boobe yuusuf ducaale aabo u ahaa, kuna geeriyooday magaaladda Djibouti oo caafimaad loogeyey, taariikhda 28/3/2015ka.
- Bogga fayska-buug goor dhexgalay, aniga oo booqday
- Bilowgii ogaalkay badqabid, naxay war kaa baase
- Baarrigii ilaah oofsadiyo, beerki kugu yaaley
- Boobow adduun belo jirtaan, ruuxna baal marine
- Amba baarax uma ladin hurdada, maalintu baxaye
- Si uun bay barkimodii ahayd, soo baraarugiye
- Si uun baan bullaalow ahaa, baahsan oo wadhane
- Si uun baan cabdow baal u qoyey, balaf anoo mooday
- Boobe oo safaarigi xidhna, ma i bildhaamaayey!
- Xusuusta qalbigu soo burqaday, belel dareenkayga
- Ba’da gabay bisinka aan cuskaday, ducada oo buuran
- Baroor-diiq tacsidan aan baxshiyo, beladan loo joogo
- Baxsan hooyadiisii jeclayd, samirka waa beere
- Barbaartana intaa nool ilaah, beri ha noo daayo
- Cawil khayr leh rabbow noo bedela, nagu bannaanaaye
- Buuggiyo qoraalkaan arkaba, boobe sumadiisa
- Sow boos qalbiga aan ka dhigo, iguma biiraayo
- Barbaartuna sidoo kale ayay, tahay bahdaydiiye
- Adna beydadkaad marisay baa, boog isii qodaye
- Goortaan xusuustaba boggay, talo miyeey baahday
- Bariidiyo xidhiidhki bulshadda, boholyow saaxiibo
- Buhaankii lawada raacsana, baaxaddii maqane
- Diiriyana barwaaqada ilaah, waa bustaan gudhine
- Badhtankii jannada midho ku yaal, toggaga oo buuxa
- Yaa baari qabrigii u nuur, deeq adaa bixine
- Baryadaada kama caajisnee, waa bushaarada e
- Barkhad iyo wanaag lagu galbiye, barakadii eebbe
- Caalaamka barsaqa caadilkeen, kugu badhaadhsiiye
- Adiga oo gugaagii badnayn , mawdkan kula booday
- Adduun bilicdi way gaaban tee, aakhiro badbaado
Alle ha u naxariisto, Aamin aamin
INAA LILAAHI WA INAA ILAAHU RAAJICUUN