Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre waa nin dhiiran oo ku dhaqma siyaasadda is miidaaminta, waxaana suuragal ah inuu kaga falceliyo hadalka ka soo baxay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni inuu xidhiidhka u jaro sidii uu go’aanka uga qaatay ergaygii UN-ta u qaabilsanaa Soomaaliya.
Siyaasadda ismiidaamintu khasaare iyo faa’iidaba way dhashaa, balse xaaladan ay ku jiraan may gaadhin wakhtigii ay samayn lahaayeen.
Caalamku wuu ogyahay in dawlad shaqaynaysa oo soomaaliya maamusha jirin, haseyeeshee waxa loola dhaqmaa sidii dal jira, hadiise uu caalamka ula dhaqanto sidii dal jira inta lagu qosla caalamkuna ku soo jeesan oo caawimadii awal la siin jirey ee ay ku shaqayn jirtay lagala noqon.
Ugandha ciidamo badan baa ka jooga oo nabad ilaalin ah, sidaas darteed haddii talaabo ka dhan ah qaadaan waxay dib usoo xoojinaysa Al shabaabtii iyo xoogagii ka soo horjeeday oo kaliya uun ka baqda ciidamada shisheeye.
Ujeedadda Khayre ka leeyahay inuu iska dhigdhigo dal cagihiisa ku taagan oo go’aanno beesha caalamka ka yaabiya usoo saaro kaliya waxa uu ka leeyahay inuu shacabka soomaaliyeed taageero ka helo oo ay maalmo u sacab tumaan oo uu ku doodo inuu yahay ninka kaliya ee hankiii Soomaaliya dib usoo celiyey oo go’aanno qadhaadh qaadan kara, haseyeeshee kama fikirayo caqabadaha uu waji karo iyo carinta uu carinayo dalalka gacanta ku hayo oo si fudud dagaal hoose ula gali kara.
Bal aan dhawrno jawaabta Soomaaliya ka bixiyaan hadalkaasi ka soo yeedhay Madaxweynaha Unganda.
QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR.