WAJAALE NEWS

“Hirgalinta Heshiisyaddii Xukuumadda Jabuuti Iyo Mucaaridku Wada Gaadheen Waxay Ku Socdaan Dhabo Wanaagsan” … Wasiirka dhaqaalaha iyo maaliyadda Jabuuti Ilyas Muuse Dawaaleh.

djDJabuuti(Wajaalenews):-Wasiirka dhaqaalaha iyo maaliyadda isla markaana ah xooghaya guud ee xisbiga tallaada dalka haya  ee RPP Mudane Ilyas Muuse Dawaaleh, ayaa sheegay mar uu waraysi siiyay idaacaada ( VOA) inay habsami u socdaan wada xajoodkii iyo heeshiiskii u dhexeeyay xukumadda iyo mucaaridka.

Isla waraysigaas waxa uu wasiirku ka jawaabay eedaymo,ka soo yeedhay Daher Ahmed Youssouf oo ka mid xisbiyadda  mucaaridka ” Hadaladda aan sal iyo raad  toona lahayn ee ka soo yeedhay Daher, waa kuwo isaga ku kooban waxan see  idin sheegaya in dhinacyaddii heeshiskii u dhexeeyay ( waa xukumadda iyo mucaarid kee) inay sii wada jir ah uga wada shaqaynayaan hirgaliinta qodoobadii lagu heeshisyay ” .

Wasiirku isago hadalkiisa sii wata waxa u inta ku daray, ” Masuuliyiinta ugu saraysa ee mucaaridku (USN) ee u ka mid yahay Mudane Ahmed youssouf Houmed waxay xidhiidh toos ah iyo kulamo todoobadle ah uu la yeesha , raa’iisalwasara dalka Mudane Abdoulkader Kamil Mohamed “.

Wasiir Dawaaleh, waxa sido uu ka dhawaajiyay “talaaboyinka ay xukumadda qaaday ka dib heeshiiski ay la gaashay qaybaha mucaarida waxa ka dhashay jaawi wada hadal oo ku dhisan is fahaam guud “.

Mar uu faahfaahiin ka bixiyay talaabooyinka ay xukumaddu qaaday waxa u yidhi wasiir Ilyas,”Todoobadkii la soo dhafay waxa loo gudbiyay golaha wasiiradda mashruuc xeer oo lagu caafinayo isla markaana lagu  laalayo wixii eedayma aha ee loo haystay sadddexdii sheekh ee dhawaan laga sii daayay xabsiga, sido kale  waxa xukumaddu u shubtay  mushaharooyinkoodii  xildhibaanadii mucaaradka aha ee 22 ka bilood diidana inay soo fadhistan goolaha barlamaanka , waxay maanta la xaquuq yihiin xildhiibanadda dhiggooda ah ee isbahaysiga aqlaabiyadda”.

“Tani waxay ka markhaati cad u tahay , rabbitaan iyo siyaasadda oo u maxdaweyne jamhuuriyadda jabuuti, Mudane Ismaciil Omar Guelleh uu qaaday

dhanka dimuquradiyadda iyo wada hadalka ” ayu kusoo gunaanaday hadalkiisa wasiirku.

Wasiirka dhaqaalaha iyo maaliyadda ahna xooghaya guud ee xisbiga RPP, Muddane Ilyaas ayaa hadalkiisa raaciyay in dhawaan la soo afmeeri doono heeshiskii iyo qodoobadii ay labaada dhinac ee  xukumadda iyo mucaaridku ay wada saxeexeen .

Dhawaan ayay ahayd  markii bishii december 30keedi, ay xukumadda iyo xisbiyadda mucaradka wada galeen heeshiis in mudda ah soo socday kaasi oo lagu xaalinayo khilaafkii ka dhashay dooroshooyinkii barlamaanka ee sanaadkii 2010 ka .

 

Wajaalenews.net
Hargeisa Office
Reporter: Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version