WAJAALE NEWS

Xog.Culus:Yaa Dalbaday $ 500,000 Dollar Ee uu Xilka ku Waayay Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe?

guddoomiyaha-baanka hore

Hargeysa(Wajaalenews):-Warar Wargeyska Yool ka helay ilo-wareedyo rasmi ah, ayaa lagu sheegay in asbaabihii xilka looga qaaday Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Md. Axmed Diriir uu kow ka ahaa dalab-lacageed oo Guddoomiyuhu iska hortaagay Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi, kadib guddoomiyaha baankamarkii sharciyadeedu noqotay mid aan waafaqsanayn qawaaniinta Lacag dalbashada ee Masuuliyiinta dawladda.
Ma jiraan xoggo faah-faahsan oo ku saabsan siday u dhacday arrinta dhex martay Guddoomiyaha iyo Wasiirka Duulista ee sababtay xil ka qaadista, taasoo ka soo baxday Guddoomiyaha xilka ka degay iyo qasriga Madaxtooyadda toona, hase-yeeshee, sida xoguhu tibaaxeen dalabka-Lacagta ah ee Wasiirka Duulistu uu weydiistey Guddoomiyihii hore ee Baanka, ayaa cadadkeeda waxa lagu sheegay $. 500, 000. Oo dolar-ka Maraykanka ah.
Waxa waraku intaa ku darreen in Wasiirka Duulistu qaadashada Lacagtaas uu amarkeeda kala yimi dhinaca Madaxtooyada, inkasta oo ilo-wareedadu ay ka gaabsadeen inay bixiyaan faahfaahin dheeraada oo la xidhiidha ujeedada iyo hawlaha Lacagtaas lagu qaban lahaa, hadana waxa xogaha lagu sheegay in Wasiirka Duulistu dalabkiisa ku darsaday in lacagta looga-dhigo Noodhkeeda Dollar, (Lacag caddaan ah oo Dollar ah).
Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Md. Axmed Diriir, ayaa dhinaciisa ilaa iyo hadda aan waxa faah-faahina ah ka bixin asbaabaha dhabta ah ee loo cuskaday xil ka qaadistiisa,wallow waraysi uu bixiyey intii xilka laga qaaday uu ku muujinayo inaan Madaxweyne Siilaanyo waxba kala socon xil-ka-qaadistiisa, hase-ahaatee uu u arkay talaabo yimi meel ka sokaysa Madaxweynaha.
Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi, ayaa sidaas ku iftiimiyey Waraysi uu siiyey Shebekadda Hadhwanaagnews todobaadkan, iyadoo weedhaha ka soo yeedhay, sii xoojinayaan hadalo hore uga soo baxay Masuuliyiin xilalka laga qaaday iyo kuwo iskood isu-casilay oo daboolka ka qaaday inaanay talada dalku gacanta Madaxweynaha ku wada jirin ee awooddiisa lala wadaago.
Si kastaba ha ahaatee, Dhacdadan ayaa haddii ay dhabb noqoto, waxa ay rumayn doontaa Wararkii sheegay in xubnaha “Bidixda-dhex” ee Wasiirka Duulistu hogaaminayey durba door-muuqda ku leeyihiin taladda lagu hoggaamiyo dalka, kadib markii ay ka awood bateen garabkii kasoo hor-jeedya ee xubnaha “Middigta-Fog”, kooxdaas oo sida dadka siyaasadda rog-rogaa aaminsanyihiin u muuqda kuwo ilko-beelay oo ay shiiqday awoodoodii Maamul ee Jaan-goynta Siyaasada Xukuumaddu.

Exit mobile version