Hargeysa(WajaalenewsWefti ka socda Safaaradda Ingiriiska ee Ethiopia iyo midawga Yurub, ayaa Madaxweynaha Somaliland iyo Shir gudoonka Golaha guurtida Somaliland kala hadlay arrimaha doorashooyinka la filayo inay dib u dhacaan. Weftiga waxaa hogaaminaysa Safiir xigeenka Ethiopia ee Ingiriiska.
Kulanka Madaxweynaha iyo Weftigan kadib ayaa Wasiirka Khaarajigu si kooban uga hadlay Arrimaha kulanka lagaga hadlay “Waxaa maanta farxad noo ah Madaxweynaha oo halkan kula kulmay Wefti ka socda Ingiriiska iyo Midawga Yurub oo laba cisho magaalada inala joogay. Weftigaasi waxyaabo badan ayay Madaxweynaha ka wada hadleen, Shirkuna si wanaagsan ayuu noogu dhacay, waxaanuna u mahad naqaynaa weftiga na soo bookhday” ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
Dhanka kalena Weftigu wuxuu la shiray Shir gudoonka Guurtida. Shir gudoonka Guurtida ayaa saxaafadda u sheegay in Weftiga Ingiriisku waydiiyay in Doorashadu wakhtigeedii ku dhacayso iyo in kale islamarkaana ay iyagu isku dhaafiyeen Komishanka oo hawlaha doorashada ku shaqo leh.
Gudoomiye xigeenka Guurtida Siciid Jaamac Cali, ayaa arrintan saxaafadda uga war bixiyay“Weftigani Su’aal uun bay na waydiiyeen, su’aashuna waxay ahayd wakhtiga doorashooyinka, waxayna na waydiiyeen inay doorashooyinku wakhtigoodii ku dhacayaan iyo inay kadib dhacayaan?.Jawaabta aanu siinay waxay ahayd doorashooyinka waxaa ku shaqo leh Komishanka Qaranka iyagaana go’aamiya wakhtigay qabsoomayso” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka Guurtidu.
Gudoomiye xigeenka guurtida ayaa sheegay in weftigani ka war hayo islamarkaana fahansan yahay inaanay doorashadu wakhtigeeda ku dhacayn maadaama dunidu tahay mid iska wada war haysa.
–