Hargeisa(wajaalenews) maxaad ka ogtahay taariikhkhada ninka doonaya in uu buuxiyo jagaddii dhawaan ka geeriyooday marxuum xildhibaan xariir siciid bulaale oo ka mid ahaan jiray xildhibanada golaha wakilada somaliland. Xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada madaxwayne siilanyo, ayaa la sheegay in labadii maalmood ee ugu danbeey ay ollole xoogan ugu jireen siday usoo buuxin lahayeen , booska axadii todobaadkan uu ka geeriyoday marxuum xiriir sicid bulaaleoo ka tirsanaa xildhibanada aqalka golaha wakiilada somaliland. Wasiirka hawlaha guud iyo guryanta cabdi risaaq khaliif iyo xubno kale oo ay isku deegaanyihiin ,ayaa la sheegay in ay damacsan yihiin in buuxinta booskaasi ay la doonayaan in ay ku soo bedalaan nin lagu magacaabo cabdi xaaji hirad(sacaf)oo isagu aaminsan mabdda somali wayn,xilalna ka soo qabtay maamul goboleedkal putland ee somalia.somalilandna mudo hore ka goostay waxana ninkan aamisan mabda soomaliwayn ee masuuliyiinta ka tirsan xukuummada siilanyo ay la doonayaan in uu soo buuxiyo booska dhawaan uu ka geeriyoday alle hawnaxariistee marxuum xariir, uu ka mid ahaa gudi madaxwaynaha putland magaacabay oo la yidhaa gudiga dib u xoraynta magaalda laascanood, isla markana ka tirsanaa xubin golaha dhexe waxana gudigaasi gudoomiye u ah axmed cabdi xaabsade oo xilal mihima ka qabtay somaliland. Oo isagu ahaa xubnihii xaabsade uraacay somaliya hadana ku sugan magaalada hargaysa oo xubnahi doonayaan in si qarsoodiya loo dhaariyo sidaana kaga mid noqdo golaha wakilada somaliland waxana sida la ogyahay maamulka putlland doonayaa inay gudigan dib xoraynta lascanod u adeegsato khalkhal iyo xaalad nabadgalyo daro ka abuuraan magalada lascanod oo ka mid ah gobolada somaliland, arintan ayaa lafo jabku noqonaysa somaliland,haddi ay ku guulaystan masuuliyinta uu hormuuddka ka yahay wasiirka hawlha guud ee ololaha ugu jira ninkan aaminsan mabda somali-wayn oo ay doonayan in ka dhigaan xildhibaan golaha wakiilda somaliland si kasta ha ahaate distoorka somaliland ayaan ogalay inay somaliland xil ka qaban karin cidkasta oo aaminsan mabda somali-wayn kana soo hor jeeda madaxbananida jamhuuriyada somaliland iyadoo ay jiraan xubno kale oo ku xigay ninka qaatay mabda,a somaliwaym oo jooga somaliland arinta ninka iyo xilalka uu kahayo puthland filo saacadaha soo socda