Masuuliyad-xileedka Umadeed ee u Baahan Aqoonta, Kartida iyo Dhawrsanaantu Waxay Leedahay Astaamo Lagu Xusho Qofka Madaxda Ah, Balse Waayadan Danbe Xukuumada Madaxwayne Axmed M Maxamuud Siilaanyo Waxa ka Dhex Muuqda Masuuliyiin xilka ay Hayaan iyo Hab-dhaqankoodu Aad u kale Fog Yihiin,
Waa Afmiishaar, Goblan ka Taagan Shakhsi ahaan Hab-Dhaqanka Suuban
Waa AGnaan Aqoonta Iyo Maamulka intaba Sabool ka ah.
Waa Xajiin Xukuumada siilaanyo Ka Mid Ahaanshihiisu Mucaarid ugu Filanyahay
Waa Ma Hubsade Aan u Meel Dayin Hadalkiisa iska hor iyo Daba Imanaya-
Waa kala Gure iyo kala Geeye Umadeed oo Waliba Madax Looga Dhigay Dad Eex iyo kala saarid uu Kula dhex jiro.
Waa Wada Boog, Waa Wada Been Waana wada Boob-
Qodobadaa kor ku xusan iyo Qaar aan la soo koobi karayn ayuu wasiirka wasaarada Warfaafintu- ku sifoobay Balse Su,aasha iswaydiinta lihi waxa weeyi Madaxwayne siilaanyo muxuu ku xushay- waa jawaab is waydiin mudan
Wasiirka warfaafinta waxa si muuqata uga cawda hadiyo jeer Beesha uu ka soo jeedo- shaqaalaha wasaarada uu xukumo- fanaaniinta dalka-iyo waliba shakhsiyaad dalka milgo iyo maamuus ku leh oon xataa qaarkood mucaaridba ahayn-
wasaarada uu wasiirka ka yahay waxa ragaadiyay muran subax noolba taagan-