WAJAALE NEWS

Samaale Oo Ka Saqiiray Macalinkisii Siyaasada. Sumcadisiina Xilka ku Seegay,?

[ waagii baryaaba waayo leh]

Anigoo ka gaabsaday baryahan hadalka siyaasada ayaan la waayayn waxad ka adkaysan kari waydo sida dhacdadan samaale ee ogobka ah,

Samaale wuxuu ahaa siyaasi xisbiga kulmiye siyaasada ku soo daray haday xildhibaan tahay haday gudoomiye ku xigeenkii golaha wakiilada tahay iyo haday wasiirka maaliyada tahayba.

Ayaan daro;samaale mudo dheer ayuu ahaa wasiirka maaliyada s/land oo awood badan hantida maaliyada waxa uu u muuqday nin siduu doono ogu tari fala.

Sidaa darteed; madaxwaynu kamay qarsonayn ficilada wasiirku laakiin in uu usii laandayay ayuu u muuqday dantuu doono ha ka lahaadee, hada m/waynuhu ma eryin laakiin xilka wasaarada wax barashada ayuu u maacaabay, isagunna wuxuu yidhi hadii miisaaniyadii layga bedelay xil dambe kama qabanayo xukumada siraanyo.

Waa yaabka yaabkii; waxa iswaydiin mudan samaale miyaanu shaqayn karin hadii miisaaniyada laga bedelay? oo miyaanu ogayn in m/waynuhu awood u leeyaha maalinba halka ku habon in uu geeyo ama eryi karo,; doqani saafdin caro loogu riday galad ma moodo; samaale siiraanya dadka ku baray isagaaa wax kaa dhigay isagaa awooda faraha badan ee siyaasiyeenta aad ku jeedh jeedhaysay indhaha ka qarsanayay, laakiin waqti bay lahayd ee ha moodin awood ay wasiiradu lahaayeen.

Siyaasadu malaha saaxiib joogto ah laakiin waa dan joogta ah, haduu maanta ku eryin oo wasiirad kale kuu bedelay may ahayn inaad ka hortimaad macalinkagii siyaasada waa.ayo tacab qasaar ayaa ku dhacay siiraanyo adiuna cidlo ayaad is dhigtay. sobobtoo ah.ragii adigoo maaliyadii wadanka gacanta ku haya aad loodi wayday markaad cidlo ogu soo baxdo maxaad filanaysaa.

Waxa kale oo kaa horeeya kuwii hanka lahaa maadaama aad adigu hore u sheegtay in aad sugayso inta m/waynuhu HAAKAW odhanaayo, aritana maad rumayn.

Sidoo kale;waxaa wax lalayaabo noqotay Ayadihii aad dalishatay xil wareejintii wasaarada oo aan ahayn Aayado uu daliishado nin Diinta yaqaan ama dhaqanka wax ka yaqaan, malaha shaydaan baa kuu qurxiyay ee weedhahaasi waxay lumiyeen qiimihii xukumada iyo xusbiga aad ku sii dhex lahaan lahayd, waxay lumiyeen kalsoonidii shacabka intii ogu dambaysay.

Sidoo kale; samaale wuxuu hore u yidhi markaan hadlaayo ee aan AAyadaha akhriyayo dadku way dhibsadaa waana kuwa shaydaanku ku jiro, laakiin shaydaannkii uu sheegay waa ka isaga waxa xun in uu ku hadlo u qurxiyay,

Isku soo wad duuboo; samaale intii uu xilka hayay sumcadisii waxay ku dhamaatay Amaanta m/waynaha waxaa iswaydiin mudan AAkhirka waxa ku biiri doonaa xisbiga wadani ee maxaa uu ku hadli doonaa ?, samaale hadalka ka dhay wuxuu la mid yahay ; NINKII MAYDKU KA DHACAY ee YIDHI< HADUU SII GO,AY, .

 

GaboGabo; wasiirka maaaliyada ee cusub waan u ducaynayaa marka kowaad mar labaad waxaan leeyahay ilahay ha ku fudaydiyo, SAMSAM waa wasiir AFtahana hadana AFgaaban hore waxa loogu xusuustaa GURMADKII AY KA GAYSATAY ABAARTII XEEBTA iyo labada ciil ee laga qoday wado makahiil iyo farawayne, samaale waxa lagu xusuusan doonaa AMaan iyo casuumadii hudheelada waawayn lag cunay.

 

 

MAWLIID AXMED JIBRIIL

E- mail; xaqsheeg@hotmail.com

 

TOGWAJAALE

Exit mobile version