WAJAALE NEWS

Musharaxa Madaxweynaha Uu Gobolka Gabiley Wadada U Xaadhayo Iyo Waxa ay ku Xidheen.

Hargeysa, (Wajaalenews.net) – Dadka ku nool gobolka Gabiley ee galbeedka dhexe ee SOmaliland ayaa ku hawlan xulashada musharaxa ay taageeri doonaan doorashada madaxtinimada SOmaliland.

sida ay warar xog-ogaal ahi Wajaalenews u sheegeen waxa socda olole ay musharaxiinta u taagan xisbiga KULMIYE tobanka sannadood ee soo socda.

waxaanay wararku intaasi ku dareen in la wado qaban qaabadda xaflad weyn oo lagu taageerayo go’aankii ka soo baxay Gudddida doorashooyinka SOmaliland ee ay ku sheegeen inay diiwaangelintu qaadan doonto muddo afar bilood ah, isla markaana la doonayo in xukuumadda talada dalka haysa iyo madaxweynaha SOmaliland Axmed Siilaanyaba loogaga mahad naqo dhamaystirka jidka isku xidha Kalaybdh iyo Wajaale waxa kale oo ay doonayaan inay ku soo bandhigaan waxa ay doonayaan inay ka helaan xukuumaddaha iman doona.

waxa kale oo ay wararku sheegeen in waxyaabaha gobolku doonayo aanay muhiim u ahayn manaasiib siyaasadeed amaba xilal wasaaradeed iyo kuwo agaasime toona aanay ku weynayn, balse ay ku wayntaha oo keli ah inay helaan mashaariic horumarineed oo la mid ah sida jidka Wajaale iyo Kalabaydh, kuwaasi oo ay qorsheeyeen inay noqdaan mashaariic horumarineed oo dhinacyada beeraha iyo xoolaha ah oo laga hirgeliyo gobolka, kuwaasi oo kala ah in beero waraab ah iyo xarumo lagu xanaaneeyo xoolaha, kuwaasi oo laga hirgelin doono bariga, koonfurta, waqooyiga iyo galbeedka gobolka Gabiley.

waxaanay reer Gabiley doonayaan in mashaariicdani loogu horeysiiyo in biyaha Botor ee la doonayo in la gaadhsiiyo degmada Wajaale oo oo ay ka cabto lagu daro qorshe kale oo ay biyahaasi kaga faa’iidaystaan beeraha roobka ee ku yaala deegaanka Tog-Wajaale oo lagu waraabiyo qasabado laga talaalo qasabadaha biyaha ee Tog-Wajaale, isla markaana lagu daro in mashruuca Tog-Wajaale ee ciidanka Qaranku beertaan lagaga dhigo beero waraab ah, iyada oo halkaasi laga soo saari doono raashinka ciidanka Qaranka iyo weliba in lagu beero khudrad nooca la yidhaahdo (cash Crops-Ka) ee geedka gaabka ah oo ciidanka looga soo saaro ciidanka kharashaadka dayactirka gaadiidka iyo hawlgalada.

warku waxa intaasi ku daray in marka laga yimaado madaxweynaha talada dalka haya ee Siilaanyo ee k u guulaystay dhamaystirka wadadda TOg-Wajaale iyo Kalabaydh, in cida keli ah hawlahaasi u hirgelin kartaa uu yahay siyaasi shaqayn kara 18 saacadood, ku dhac leh, isla markaana leh hal abuur iyo inuu ku dhiirado mashaariicda horumarineed ee dalka.

siyaasigani ayay wararku sheegeen inuu noqon karo wasiir ka mid ah xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo ku dhiiraday inuu ku dhaqaaqo mashaariic horumarineed oo ay adag tahay in cid kale ku dhiirato.

waxaana la sheegay in siyaasigan uu yahay mid shaqeeya saacadaha ugu badan ee ay shaqeeyaan Wasiiradda xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, isla markaana uu siyaasigani qaabilo tirada ugu badan ee dadweynaha reer SOmaliland ee ay danuhu kaga xidhmaan xafiiskiisa, isla markaana aan balamaha ka bixin intay doonto ha qaadatee qaabila ciduu balan la galo.

si kastaba ha ahaatee arrintani ay soo bandhigeen reer Gabiley waxay muujinaysaa in bisayl siyaasadeed jiro, isla markaana ay waqti xaadirkani doonayaan inay doortaan cida ay gartaan inay wax ka taraan horumarintooda

 

HARGEISA SOMALILAND

WARIYE A,A, OMER

Exit mobile version