WAJAALE NEWS

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo gaadhay Washington Dc+sawiro

WASHINGTON(Wajaalenews) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” oo maalintii Arbacadii ka dhoofay garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport, Isaga oo u sii jeeday dalka Maraykanka ayaa sida aanu ka helnay Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka maraykanka Ambassador Rashiid Gaaruf Nuur uu noo xaqiijiyey in weftigii madaxweyne ku xigeenku si nabadqab ah ay ku soo gadheen magaalada WASHINGTON DC ee USA.

Halkaas oo ay ku sugayeen weftiga jaaliyada somaliland ee dalka maraykanka oo uu hogaaminaayo safiirka Somaliland u fadhiya Dalkaasi iyo xubno badan oo ka mida jaaliyada somaliland.

Waxaana madaxweyne ku xigeenka loo gelbiyey hotel kii loogu talo galay waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda la kulmo jaaliyadhaa somaliland ee kala ah:-

 

1 – Jaaliyada Washington DC maalinta Sabtida March 28, 2015

2 – Jaaliyada Minnesota maalinta Axada March 29, 2015

3 – Jaaliyada Seattle maalinta Jimcaha April 3, 2015

4 – Jaaliyada Columbus maalinta Axada April 5, 2015

Ka dibna wuxu u gudbi doonaa Madaxweyne ku xigeenku waddanka Canada, oo isna aad looga sugaayo ilaa hadana ku jira diyaar garaw xoogan oo ay ku soo dhawaynayaan madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

Exit mobile version