Axmed siilaanyo, Baashe Cawil iyo afarta wasiir ee beesha Saleebaan gaal, Maxamed kaahin,Cali Mareexaan, intaasi toban kii cishaba maalin ayey ku kulmaan qasriga madax tooyada.
Marka hore waxaan yara dul marayaa mid ka mida raga dusha ku xusan, wasiirkii gaashaan dhiga ee uugu horeeyey Somali land wuxuu ahaa Maxamed Kaahin, dhawr bilood ka dib Maxamed Kaahin wuxuu ka hor yimid madax weynihii magacaabay, isla markaana Maxamed Kaahin wuxuu ku dhaqaaqay inuu dumiyo xukuumadii uu ka tirsanaa, hase yeeshee waxa ka hor yimi taliyihii ciidanka qaranka mujaahid Xasan Yoonis Habane All ha u naxariistee, waxaana Maxamed Kaahin lagu xidhay magaalada Berbera waxaana markiiba loo qaaday magaalada Hargeysa, waxaanu dhawr bilood ku xidhnaa taliskii ciidanka nabad gelyada, waxaana taliye ka ahaa Muj Maxamed Xasan Jidhif, markaa uu xidhnaa su’aalihii la weydiiyey waxa ka mid ahaa hadii la ridey Siyaad Barre, hadii somali land lagu dhawaaqay, hadii lagaa dhigey wasiirkii gaashasn dhiga, maxaa kaa maqan?
Wax jawaab celina wuu diidey inuu afkiisa laga maqlo, marka xiligaa laga soo bilaabo xukuumadihii ka horeeyey tan Axmed siilaanyo, Maxamed Kaahin wuu ka soo hor jeedey, had iyo jeerna saxaafada ayuu ku dhaliili jirey, weliba af lagaado iyo cay ayuu ku hadli jirey, ku darsoo huteelka Maaweel ayuu ka degenaa magaalada Hargeysa weligiina muu gelin qasriga madax tooyada intii ka horeysey xukuumadan uu hogaamiyo adeerkii Axmed siilaanyo.
akhriste Maxamed Kaahin wuxuu Hargeysa u guurey markii adeerkii Axmed siilaanyo talada qabsaday isla markaana waxa loo iibiyey guri loo siiyey boqol kun oo doolar, waxaanu ka soo diga rogtey magaaladii Burco huteelkii Maaweelna dib uugu muu noqon, waxa yaalaha uu ku hadlana waa maqashaan.
hadaba, waxaan odhanayaa wuxuu ka jawaabey su’aashii laweydiiyey sanadkii 1992-kii.
Qalinkii: mujaahid Cali Xaraaro